Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo Xabsiga Mandheera Ku Booqday Dad Muddaharaaddadii loo Xidhxidhay

Mandheera (aftahannews):- Wefti uu hoggaaminayo Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, ayaa maanta bookhday dhallinyarada xukumadda Soomaaliland udhaadhicisay jeelka Mandheera, kuwaasoo ay qaarkood ku xidhay muddaharaadkii  11-kii bishan mucaaradku sameeyeen.

Sida oo kale weftigu waxa uu halkaasi ku bookhday Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gude oo maanta loo dhaadhiciyay jeelka Mandheera.

Weftigan oo ay ka mid ahaayeen xoghayaha Caddaaladda Mudane Yoonis Axmed Yoonis, Xoghayaha Isgaadhsiinta mudane Axmed Cismaan Kooraan, Xoghaye xigeenka Gaadiidka Mudane Maxamed Cali, Afhayeenka garabka dhallinyarada Mudane Cabdiraxmaan Ismaaciil, Guddoomiye Xigeenka garabka dhallinyarada, Eng Cabdiraxmaan Magan iyo Maxamed Iid Dhimbiil oo ka tirsan hoggaanka Xisbiga ayaa u kuur galay xaaladda dadka kuxidhnaa Jeelka maandheera.

Haddaba Waxaanu khadka teleefanka Kulaxidhiidhnay Maxamed iid dhimbiil oo kamida hogaanka xisbiga waddani Waxaanu noosheegay in dadkii kuxidhnaa ay ahaayeen 43 islamarkaana maanta laga dabageeyay 4 qof oo uu kujiro suldaan Axmed Cismaan Cadde-Gude.

“Waxay noosheegeen, markaanu Xog wareysannay inay Xaaladdoodu fiican tahay,Ciidamada amaankuna Sifiican uladhaqmeen laakiin Ciidamada booliska iyo Saldhiga dhexe ayey aad uga cawdeen.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi.