Jaaliyadaha Uganda iyo Ethiopia oo Murugo ku qaabbilay Farxadda 18-ka May, Sababaha keenay & Dhooy-la’aanta Xukuumadda

Is-dhaafinta Safaaradda Addis Ababa ee Somaliland, Weerarkii Madasha Xuska May iyo Albaabbo u laabista Booliska Addis

Safaaradda Soomaaliya ee Kampala oo argagixiso ku tilmaantay Ardayda reer Somaliland ee Uganda ku dhaqan

Addis Ababa/Kampala, (Aftahannews):- Jaaliyadaha iyo Ardayda reer Somaliland ee ku dhaqan waddamada Itoobiya iyo Uganda, ayaanay u suuragelin inay farxadda iyo dabbaal-degga lagu xusayo 23-guurada ka soo wareegtay maalinta Qarankooda kala qaybgalaan Bulshada reer Somaliland, ka dib markii ay Ciidammada ammaanka ee magaalooyinka Addis Ababa iyo Kambala ee Caasimadaha Itoobiya iyo Uganda siyaabo kala duwan isaga hor-taageen qabashada Xaflado waawayn oo ay diyaariyeen inay ku xusaan 18-ka May.

Ciidamada Ammaanka magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa albaabbada u laabay Madal ay Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaaladaasi ay doonayeen inay ku qabsadaan munaasibad loogu dabbaal-degyey xuska maalinta Qaranimada Somaliland oo ku beegnayd 18-kii  bishan May.

Sababta ayc Ciidamada Booliska ee magaalada Addis Ababa u xidheen goobta ay ku dabbaal-degayeen Jaaliyadda Somaliland ee Addis Ababa, ayaa lagu sheegay ka dib markii ay xaruntaas soo weerareen Soomaali tiro badan oo ka soo horjeeday inay Xafladdaasi ku qabsoonto, waxaana halkaas ka dhacay isku-dhac dhexmaray Jaaliyadaha Somaliland iyo Soomaalidii kale ee halkaas ku sugnaa oo la sheegay inay ka soo jeedaan Bariga iyo Koonfurta Soomaaliya.

Waxaa isku-dhacaasi markii uu dhacay isla markiiba soo gaadhay goobta Ciidamo Boolis ah oo amray in albaabbada loo laabo goobtaas, sida ay Wargeysa Himilo u xaqiijeen qaar ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaaladaas. Hase-yeeshee, ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay isku-dhaca Jaaliyadaha Somaliland iyo Soomaaliya.

Safaaradda Somaliland ee magaalada Addis Ababa, ayaa la sheegay inaanay wax shaqo ah ku darsan qaban-qaabada munaasibadaha lagu weyneeyo maalmaha Qaranka, iyaga oo maamulka iyo qaban-qaabada labadii munaasibadood ee u dambaysay aan wax shaqo ku lahayn.

Ciidamada Ammaanka ee magaalada Addis Ababa ayaa la sheegay inay xidhiidh la sameeyeen Xafiiska Wakiilka Somaliland ee magaaladaas ka dib markii ay dejiyeen xasilloonida goobta lagu qabtay munaasibadda 18-ka May, isla markaana ay weydiiyeen inay qaadayaan masuuliyadda ammaan ee goobtaas ka hor intii aanay albaabbada u laabin, hase-yeeshee ay masuuliyiinta Safaaradda Somaliland ku ugu jawaab-celiyeen inaanay qaadi karin masuuliyaddaas maaddaama oo dad shacab ahi gacanta ku hayaan maamulka munaasibadda.

“Waxa jirtay qaban-qaabo-xumo maamulka ah. Ardayda ayaa meel soo kiraysatay, fiidnimadii markii la diyaarinayey Xafladda, waxa meeshii yimi dad u dhashay Soomaaliya oo doonayey inay khal-khal geliyaan, dabadeedna isku-dhac yar baa yimi. Markiiba waxa yimi Goobta Boolis, sidaasaa lagu xidhay, waxaanay yidhaaheen Boolisku isku-dhac weynbaa iman lahaa haddaannaan soo gaadhin, intii uu khasaare iman lahaa halla xidho, ayay yidhaahdeen.” sidaa waxa yidhi Jaamac  Maxamed Xasan oo isagoo ku sugan Addis Ababa xalay khadka telefonka ugu warramay Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo, .

Waxaanay Jaamac Maxamed Xasan oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray oo uu yidhi; “Markaa, sidaasaa lagu xidhay meeshii weynayd ee dadka oo dhami isugu iman lahaa. Markii dambe, qolo fannaaniin ah baa soo kiraystay meel yar oo aan wax badan qaadaynin, meeshaasna wax yar baa ka dhacay oo dad badan baan tegin.”

Jaamac Maxamed waxa uu sheegay in Arday isu-xilqaantay qaban-qaabada munaasibadda 18-ka May ay u tageen Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa kana dalbadeen inay la maamulaan qabsoomidda Xafladda, balse ay Masuuliyiinta Xafiisku kaga cudur-daarteen inaanay haynin wax lacag ah oo Xukuumaddu ugu dhiibtay qaban-qaabada munaasibadda maalinta Qarannimada Somaliland.

“Markii ay Ardaydu u tageen Masuuliyiinta Safaaradda, waxay ku yidhaahdeen miisaaniyadna uma hayno, wakhtina uma hayno ee idinku qabta. Runtiina, xaggaas aad bay dhalliil ugu leeyihiin (Masuuliyiinta Safaaraddu).” ayuu yidhi Jaamac Maxamed Xasan.

Safiirka Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya Aadan Nuux Dhuulle oo aannu khadka telefonka kula xidhiidhnay si aannu wax uga weydiinno doorka Safaaraddu ku leedahay qaban-qaabada Munaasibadda iyo tallaabada ay ka qaadeen dadka weeraray goobta Xafladda lagu qabanayey, ayaanay noo suurto-gelin inaannu wax jawaab ka helno, isaga oo tiraba laba jeer oo telefoonka uu naga qabtay aan jawaab ka bixin su’aasha aannu weydiinnay isaga oo telefonka nagu jaray.

Sidoo kale, Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda, ayaa is hor-taagtay Xaflad dadka reer Somaliland ku xusi lahaayeen dabbaal-degga 23-guurada Qaranka Somaliland ee 18-ka May ee magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda. Xafladdaas oo ay qaban-qaabadeedu socotay muddo bil ah, isla markaasna ay kharashka ku baxaya iska kaashadeen Jaaliyadda iyo Ardayda Somaliland ee wax ka barata Jaamacadaha Uganda, isla markaana loo qorsheeyey inay habeen-hore ka qabsoonto Huteelka Equatorial ee magaalada Kampala.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda oo kaashanaysa Ciidamada Nabad-sugidda iyo Booliska dalka Uganda, ayaa ku guulaystay inay is-hortaagaan Xuska 18-ka May. Masuuliyiinta Safaaraddaas, ayaa la sheegay inay laamaha amniga Uganda u gudbisay qoraal ay ku sheegayso in Ardayda Somaliland ay yihiin kuwo Al-Shabaab ku xidhnaan kara, maaddaama uu hoggaamiyaha Ururka Al-Shabaab Somaliland ka soo jeedo dhalasho ahaan.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda, ayaa waxay sidoo kale qoraalkan kaga digtay in Xafladdani suurtogeliso falal argagaxiso oo ka dhaca Uganda.iyada oo ay Safaaradda Maraykanka ee dalka Uganda  marar badan oo hore ka digtay suurto-galnimada qaraxyo ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha dalka Uganda.

Ardayda Somaliland ayaa kuwa Soomaaliya kaga awood roonaaday Doorashadii hoggaanka Ururka Jaamacadda ugu weyn ee ay wax ka bartaan Ardayda Soomaalida ah ee KIU ee waddanka Uganda.

Maaha markii ugu horreysay ee ay dawladda Soomaaliya is hor-taagto hawlo Somaliland-nimo oo ay wadaan Ardayda Somaliland ee Uganda. Hase-yeeshee, dawladda Somaliland ayaa la odhan karaa aad ayay uga gaabisay inay xidiidh diblomaasiyadeed la yeelato dawladda Uganda. Waxaanay tallaabooyinkani keeneen inay ciil iyo murugo isu beddesho farxaddii ay isu diyaariyeen inay Jaaliyadaha iyo Ardayda reer Somaliland ee labadaas magaalo ku qaabbilaan xuska 23-guurada Qarankooda ee 18-ka May.

Xigasho Wargeyska Himilo.