Hal Qof Oo Ku Dhaawacmay Mudaharaad Ka Istaadhmay Ceerigaabo

Hargeysa, (Aftahannews)-Inta la ogyahay 1 qof ayaa ku dhaawacmay mudaharaad, ay taageerayaasha mucaaradka Somaliland maanta ka dhigeen magaalada Ceerigaabo.

Mudaharaadayaasha oo ku dhawaaqayay “Doorasho, doorasho, doorasho”, ayaa dalbanaya in doorashada madaxtooyada Somaliland wakhtigeeda lagu qabto, si lamid ah sida ay dalbanayaan madaxda mucaaradka Somaliland.

Dibadbaxayaasha oo anay tirradoodu badnayn ayaa dhagaxaan ku jaray qaar kamid ah wadooyinka magaalada, isla markaana waxay ku gubeen taayiro, isagoo mudaharaadku uu socday mudo saacado ah.

Ciidamada booliiska ayaa ku guuldaraystay in ay mudaharaadayaasha si nabad ah u kala dareeriyaan, waxaana la keenay ciidamo millateri ah, madaama shacabku ay millateriga kolsooni u hayaan, kadibna millateriga ayaa mudaharaadayaasha dhexgalay oo maslaxay, waxaana la maqlayay iyaga oo leh “Waanu maqlayna millateriga”.

Lama oga hadii mudaharaadku uu ku yimid amar hoose oo ka yimid madaxda mucaaradka, iyo in ay shacabku si iskood ah isku abaabuleen. Musharax Cirro ayaa horay u sheegay in mudaharaadku soconayo inta doorasho ka dhacayso.