Kulan lagu Xoojinayo Nabadgeliyada Gobolka Siti oo lagu qabtay Magaalada Hara

Harar (Aftahannews)- Magaalada Harar, ayaa waxaa lagu qabtay kulan lagu sii xoojinayay nabadgelyada iyo daris-wanaagga gobolka Siti iyo gobollada bariga iyo galbeedka Hararge ee Deegaanka Oromada.

Waxaana kulankaasi ka soo qeyb-galay xubno ka mid ah hoggaaminta gobolka Siti, gobollada bariga iyo galbeedka Hararge iyo maamullada degmooyinka gobolka Siti ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dariska la ah degmooyinka gobollada bariga iyo galbeedka Hararge ee Deegaanka Oromada.

Waxaana kulankaasi lagu gorfeeyay xaaladda guud ee dhinaca nabadgelyada, xoojinta daris-wanaagga shacabka labada qoomiyadood ee walaalaha ah ee Soomaalida iyo Oromada.

Sida oo kale waxa ay hoggaaminta heerarkeeda kala duwan ee ka soo qeyb-gashay shirkaasi isla meel-dhigeen in la sii xoojiyo adkeynta hawlaha nabadgelyada, iskaashiga iyo xidhiidhka dad-weynaha iyo hay’addaha nabadgelyada, si looga hortago argagixisada Shane iyo Alshabaab.