Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Dibad-baxyada ka socda Sri Lanka iyo Sierra Leone ayaa nagu soo socda..”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Muqdisho (Aftahannews)- Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan abaaraha iyo bani’aadanimada, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa markale qaylo dhaan ka muujiyey xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha sii baahaya ee ku dhuftay qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah xildhibaan, ayaa shaaca ka qaaday Soomaaliya ay ka dhici karaan dibad-baxyo la mid ah kuwa ka socda wadamada Sri Lanka iyo Sierra Leone, kuwaas oo lagaga cabanayo raashin la’aanta ka jirta dalalkaasi.

“Dowladaha aad arkeysaan Sri Lanka, illaa Sierra Leone oo dibad-baxyada ay ka socdaan raashin xumada darteed way nagu soo socdaan annaga nafteenna,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishhakuur.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku sii daray in xittaa hadda caalamka ayna ka jirin raashin la kala dhoofsado, maadaama xaaladda ay sii adkaaneyso, sida uu hadalka u dhigay

“Raashin la soo dhoofsado lama hayo raashinka waa la wada xidhay adduunka,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey.

Ergeyga gaarka ah ee bani’aadanimada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadalkiisa sii wata, ayaa shaaca ka qaaday in haatan xaaladda Soomaaliya ay marayso meel halis ah, isla-markaana loo baahan in si wadajir loo wajaho abaaraha Soomaaliya.

“Xaaladda dalka uu marayo aad ayey u dhib badan tahay adduunka tartamada ka jirana aad ayey u weyn yihiin, waxaana loo baahan yahay wadashaqeyn dhab ah,” ayuu yidhi.

Soomaaliya, ayaa wajaheysa xaaladdii ugu adkeyd ee abaaraha, waxaana deegaanada qaar laga soo soo sheegayaa inay ka jirto macluul aad u daran iyo xaalado dhanka nolosha ah.