Ergooyin Markale Isku Xilqaamay Xalinta Khilaafka Xukuumadda iyo Mucaaradka

Hargeysa (Aftahannews)- Khilaafka dhawrkii bilood ee u danbeeyay ka taagnaa saaxaadda siyaasadda Somaliland, ayaa noqday mid aan ilaa xilligan loo helin xal, kaddib markii ay adkaatay furdaamintiisu.

Khilaafka siyaasadeed ee cillinkiisa la saari waayay, ayaa u dhexeeya xukuumadda Madaxweyne Bixii iyo Labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID, wuxuuna murranka khilaafku kasoo bilaabmay arrimaha doorashada Madaxtooyadda ee hore loo saadaalinayay 13 November 2022, iyo tartanka Ururada iyo axsaabta qaranka, maadaama xeerka tilmaamaya sharciyada Axsaabta Qaranka u asteeyay muddada cimrigooda axsaabta xilligan muddo tobban sannadood ah oo ku eeg Desember 2022.

Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo labada Xisbi mucaarad, ayaa si weyn isugu diidan arrimaha doorashooyinka, waxaana labada dhinac ku kala fogaadeen is faham la’aanta mawaaqifta kala fog iyo dooddaha labada doorasho sida ay u kala horaynayaan.

Kala fogaanshaha ayaa dhaliyay xamaasad iyo xiisad siyaasadeed oo sababay in mucaaradku ku baaqaan muddaharaadyo ay ku doonayaan in ay xukuumadda Madaxweyne Biixi culays ku saaraan sidii doorashada Madaxtooyaddu ugu qabsoomi lahayd xilliga dhammaadka muddo xileedka Madaxweynaha 13 November 2022.

Hase yeeshee Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa, ayaa ku doodaya in maadaama ay muddada sharciga ee saddexda Xisbi oo tobban sannadood ah ku beegantahay Desember 2022, ay lagama maarmaan tahay in doorashada tartanka Ururrurada iyo axsaabta lasoo hormariyo si markaa kaddib saddexda xisbi iyo Ururrada xilligan is diiwaangeliyay oo 15 Urur ah marka ay kasoo gudbaan dhuruudaha ka horeeya inta kasoo baxdaa u tartamaan xisbiyo, kuwaas oo ay la tartamayaan saddexda Xisbi ee xilligan jiraa si loo helo saddex xisbi oo qaran, si markaa kaddib loo galo doorashada Madaxtooyadda.

Mawaaqifta dooddaha kala fog ee xukuumadda iyo labada Xisbi ee mucaaradka, ayaa sababay in khilaafku noqdo mid marba marka ka danbaysa sii gaamura, iyadoo labada Xisbi mucaaarad bishii May ku baaqeen muddahaaradyo xidhiidh ah, balse muddaharaadyadaa ayaa xukuumaddu ganafka ku dhufatay, waxaana 9 Jun labada xisbi sameeyeen muddaharaad khasaare dhaliyay, iyadoo xukuumaaddu u adeegsatay awood ciidan.

Muddahaaradka oo ku koobnaa magaalada Hargeysa ee caasimadda, ayaa sababay khasaare dhaawac soo gaadhaay xildhibaano iyo taageerayaal labada xisbi ah, iyadoo xabsiga loo taxaabay saraakiil ka tirsan labada xisbi iyo taageerayaal, balse waxa arrinta soo dhexgalay Salaadiin, ganacsato iyo Odayaal doonayay in ay ka ergeeyeen, kuwaas oo ay hawsha ergada kala wareegeen labada guddoomiye ee Guurtida iyo Wakiilllada, wallow ay ugu danbayntii ku wargeliyeen mucaaradka in aannay wax natiijo ah ka gaadhin hawshii ergada ee ay kala wareegen Odayaasha Saaladiinta.

Xiisadda oo toddobaadyo deganayd, ayaa mar kale halkeedii ku laabatay, iyadoo labada dhinac ee xukuumadda iyo labada Xisbi ee mucaardku warbaahinta si ka baxsan akhlaaqiyaadka iyo anshaxa isugu dhaafsanayeen dhawaaqyo dhiillo xanbaarsan oo abuuraya cunfi iyo uur-ku-taalo.

Labada Xisbi Mucaarad oo ku hanjabay in ay sii wadaayan muddaharaadyadii ay hore u hakiyeen ayaa mar kale 11 August 2022, magaalooyinka Hargeysa, Burco, Ceergaabo iyo kuwa kale ka abaabulay muddaharaadyo kaddib oggolaashaha xukuumadda, balse muddaharadyada ayaa dhliyay rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo xabsiga loo taxaabay qaar ka mid ah saraakiisha xisbiga maalin ka hor muddaharaadyada, sidoo kale qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa ciidamada maanku xasbiga u taaxaabeen intii uu socdeen muddaharaayadaa oo sababay dhimashada shan qof iyo ku dhowaad boqol qof oo dhaawac ah.

Muddaharaadyada ugu danbeeyay ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca sababay, ayaa sii kiciyay khilaafka marba marka danbaysa sii xoogaysanay ee xukuumadda iyo labada Xisbi ee mucaaradka WADDANI iyo UCID, wuxuuna khilaafka siyaasadeed noqday mid jawiga siyaasadda Somaliland dhawrkii bilood ee u danbeeyay ka dhigay xaalad cabsi iyo werwer ku abuurtay in baddan oo bulshada ka mid ah, kaddib isku dayo marar dhawr ah Ergooyin iskood isu abaabulay oo doonayayin xal laga gaadho murranka iyo khilaafka siyaasadeed ku guuldaraysteen.

Inta baddan xilliyada ay soo dhowaadaan doorashooyinku waxa saaxadda siyaasadda ka aloosmi jiray khilaaf la xidhiidha arrimaha doorashooyinka, balse Somaliland, ayaa kusoo dhaaftay marar baddan khiaafyo sidan oo kale tanaasul iyo xal laga gaadho ugu danbaynta oo dhinac loo wada jeesto, balse khilaafkan ayay dad baddan oo arrimaha siyaasadda Somaliland u dhuun-daloolaa u arkaan inuu ka duwanyahay khilaafyadii ay Somaliland hore usoo aragtay ee markaba xalka loo heli jiray, waxaana inta la ogyahay furdaamintiisa galay Ergooyin kala duwan.

Inta la ogyahay toddobaadkan ergadii Afraad oo isugu jirta Salaadiin, Odayaal ganacsato iyo culumo u tafaxayteen, balse lama ogga in ay sidii Ergooyinkii hore ku hungoobi doonaan iyo in ay xal labada dhinac heshiis ku yihiin oo soo celiya deganaanshihii, isla markaana meesha ka saara jawiga siyaasadeed ee kacsan ka gaadhi doonaan, waxaase la dhawrayaa maalmaha soo sccda iyo in ay ka lib keenaan Egadu arrinta ay isu xilqameen.