Rugta Caalamiga Ah Ee Maraakiibta Oo Isku Raacday In Xeebaha Soomaaliya Laga Saaro Inay Yihiin Goob Halis Ah

Hargeysa (Aftahannews)-Rugta Caalamiga ah ee Maraakiibta ayaa isku raacday in xeebaha Soomaaliya laga saaro goob halis ah ka dib sanado badan oo lagu guuleystay howlgallada ka dhanka ah burcad-badeeda.

War-saxafaddeed ay soo saartay ayay ku sheegtay in la ansixiyay isbeddel cusub oo shaqeyn doona laga bilaabo Januray sannadka soo socda.

“Ma jiraan wax weerar ah oo burcadbadeednimo oo ka dhan ah maraakiibta ganacsiga oo ka dhacay xeebaha Soomaaliya tan iyo 2018,” ayaa lagu yidhi bayaanka kasoo baxay International Chamber of Shipping.
In ka badan toban sano, burcad-badeedda Soomaaliya ayaa boqolaal weerar ku qaaday maraakiibta ganacsiga ee mara biyaha Bariga Afrika, mararka qaarkood waxay ka heli jireen malaayiin doollar oo madax-furasho ah.
Waxay ku qasbeen shirkadaha maraakiibta inay qaadaan tallaabooyin ammaan ah sida shaqaaleysiinta ilaalada hubaysan iyo rakibida siligyada.
Khatarta burcadbadeeda Soomaalida ayaa lagu muujiyay filimkii ku guulaystay abaalmarinta Oscar ee Captain Phillips, soona baxay 2013.
Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku guuleystay in ay ka hortagaan weerarada burcad badeedda.

Dadaaladan ayaa dhaliyay in golaha ammaanku joojiyo howlgalka caalamiga ah ee la dagaalanka burcadbadeeda Soomaaliya, kadib markii dowladda Soomaaliya ay codsatay in mashruucaas oo dhaqaale badan ku bixiya jiray la joojiyo.