Mukhtaar Roobow oo Shaaciyey Sababta Al-Shabaab Weerarro uga Fulin Weyday Somaliland

Muqdisho (Aftahannews)- Wasiirka diinta iyo awqaafta Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansoor), ayaa ka hadlay arrimo la xidhiidha dagaalyeyahanada ururka Al-Shabaab ee uu horre uga tirsanaa.

Sheekh Mukhtaar Roobow, ayaa soo hadal qaaday arrin xasaasi ah oo ku aadan sababta keentay in kooxdaan ay weeraro uga fulin wayday deegaannada Somaliland.

Wasiirka, ayaa shaaca ka qaaday in reer Somaliland ay muujiyeen midnimo, ayna ka wada shaqeeyeen amnigooda iyo horumarkooda, isaga oo ku baaqay in sidaas oo kalena ay sameeyaan shacabka Soomaaliya oo kaashanaya dowladdooda federaalka ah.

Sidoo kale, wuxuu xusay haddii qof weliba xogta uu hayo la wadaago laamaha amniga, kadibna la qaado tallaabo ka hotag ah in laga guulaysan karo kooxda Al-Shabaab.

“Miisaalbaa idin sheegayaa Somaliland waa tanoo nagama dheera hal shay waa laga fulin waayay, sabab dadkaa isku duuban kan geel jiraha ah iyo kan ganacsigaa iyo maamada guriga joogta qof walba waxa uu arko oo dareen geliya ayuu soo sheegayaa waxba waa laga samayn waayay” ayuu yidhi Mukhtaar Rooboow (Abuu Mansuur).

Waxa kale oo uu intaasi ku sii ku daray in la sameyn karo dadaalka ay sameeyeen reer Somaliland, iyada oo la muujinayo midnimo, si la’isaga difaaco Al-Shabaab.

“Intaas iyo ka badan waa la sameyn karaa, marka hore horta midnimada in la soo ceshado si loo wajaho waxa meeshan ka jira,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.