Wasiir Kaahin: “Dalkan Cirradu nagaga Soo Baxday uma Ogogolin in Nabaddiisa Lagu Ciyaaro.”

Wasiir Maxamed Kaahin

Hargeysa(Aftahannews)- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in Somaliland quruxda ay leedahay ee ay dheer tahay dalal badan oo ka tirsan Afrika in ay tahay nabad gelyada isla markaana aanay cidna ka ogolaanayn in ay nabad gelyada dalka ku ciyaarto.

Waxaa kale oo uu ka hadlay Maanta Somaliland halka ay marayso in ay ku soo gaadhay dimuquraadiyad iyo tartan isla markaana loo baahan yahay in taa la wada illaashado waxaanu iftiimiyay sida aanay isu qaadan Karin qabyaaladda iyo qarannimadu.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxaa uu sidaa ka sheegay munaasibad ballaadhan oo loo qabtay Hay’adda Havayoco oo soddon jirsatay una debbaal degtay shalay.

Wasiir Kaahin oo ka hadlayay nabad gelyada iyo ahmiyadd ay xukuumad ahaan siinayaan waxaa uu yidhi. “Somaliland soddon sano waxay halkaa ku soo gaadhay oo shan madaxweyne aynu ku soo dooranay waa nabad gelyada iyo dimuquraadiyadda iyo qori isu dhiibka manta Somaliland oo soddon jirsatay in anabad gelyadeeda loo baqo maaha,manta quruxda Somaliland taalla ee hadh iyo habeenna nabad gelyada lagu daansha daanshoonayo iskamay iman ee rag ayaa dhiiggooda u daadiyay manay dhici jirin Hargeysa in hableheena oo dahab ku lebisani in ay sidaa u daansha daanshoodaan laakiin naf hurnimo ayaa halkan lagu soo gaadhay dalkan cirro ayaa nagaga soo baxday cidna ka ogolaan mayno in ay nabadgelyada ku ciyaaraan.”

Wasiir kaahin mar uu ka hadlayay 30 guurada Havayoco ee shalay loo debbaag degay,ayaa ku dheeraaday sida ay Havayoco uga soo baxday ururadii mar lala aasaasay iyo sida ay u noqotay hay’ad soo saartay hoggaamiyeyaal isla markaana ay ka midho dhaliyeen dhallinyaradii aasaastay.

“Havayoco waxaan odhan karaa waxay halkan ku soo gaadhay waxaa aasaasay rag dhallinyaro ah oo ka dhabeeyay waxay bilaabeen u dhabar adaygay oo aan halkii kaga dhaqaaqin waxaanay soo saartay Havayoco hoggaamiyeyaal kala dambeeyay,waxaanan u regaynaynaa in loo debbaal dego boqol guurada Havayoco,inaga waxaad arkaysa mid shalay Udub ahaa oo hadaba Kulmiye noqday hadana ucid noqday.”