Saraakiil Ciiddan oo ka socda Itoobiya oo gaadhay Garoowe

Garoowe (Aftahannews)- Saraakiil ciiddan oo ka socda wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Itoobiya, ayaa gaadhay magaalada Garoowe si ay Puntland uga wadahadlaan iskaashiga dhanka amniga.

Qunsulka Itoobiya u fadhiya Puntland, Dagnachew Yitbarek, ayaa sheegay inay wefdigan Puntland u yimaadeen xoojinta la dagaalanka kooxaha Argigixisada, waxayna kulamo la qaateen madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa, Axmed Karaash.

Wefdigan, ayaa sidoo kale maanta booqday xerada 54-aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland, halkaas oo ay kula kulmeen saraakiisha ciidamada Puntland, iyagoo la qaatay kulamo gaar ah oo albaabada u laaban yihiin.

Tan iyo markii Al-shabaab ay weerareen dowlad deegaanka Soomaalida, Itoobiya waxay billowday inay dowlad goboleedyada Soomaaliya u dirto saraakiil ciidan, kuwaas oo iskaashi dhinaca amniga la soo yeesha dowlad goboleedyada.