Raila Odinga oo qaadaya tallaabo ka dhan ah natiijada doorashadii Kenya

Nairobi (Aftahannews)- Siyaasiga dalka Kenya Raila Odinga, ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in uu maxkamada ugu saraysa u gudbiyo dacwad ka dhan ah natiijada doorashadii madaxtinimo ee dhawaan ay guddiga doorashada dalkaasi ku dhawaaqeen.

Odinga, ayaa tagay maxakamadda isaga oo diiday guusha Madaxweynihi Hore Willian Ruto uu ka gaadhay doorashadii dhacday 9-kii Augus isaga oo helay 50.55 halka Odinga uu helay 48.8%.

Kiiska Mr Odinga, ayaa waxaa sii xoojinaya in afar ka mid ah todobada xubnood ee doorashada oo ay ku jirto guddoomiye ku xigeenka Juliana Cherera ay qaadeen tallaabo aan caadi ahayn oo ay ku diideen natiijada.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya, ayaa laashay guushii uu madaxweyne Uhuru Kenyata uu ka gaadhay doorashadi 2017-kii, waxayna amar ku bixisay in doorashada markale la qabto.

Odinga, ayaa markaa qaadacay ka qaybgalka doorashada cusub isaga oo sheegay inuu jirin nidaam sahlaya in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah.