Gudoomiye Xamarje: “Adeerkay Muuse Biixi Ma Garanayo Cidda Uu Isku-halaynayo……….”

Hargeysa, (Aftahannews)- Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Cumar X. Cabdillaahi Xamarje, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay isku dayday in la dilo, maalintii bannaanbaxa 11 August.

Guddoomiye Xamarje oo maalintii bannaanbaxa xabsiga loo taxaabay, ayaa sheegay in intii aan la qaban laysku dayay in shil baabuur oo loo qasdiyay lagu dilo, iyada oo baabuur uu watay baabuur lagu dhuftay.