Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya oo Aqoonsiga Somaliland guddoonsiiyey Madaxweyne Siilaanyo Daawo

Hargeysa(Aftahannews):- Waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Munaasibad lagu xusayey 18-ka bishan May ee loogu dabbaal-degayey 23-guurada ka soo wareegtay gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu dhawaaqay 18-kii May 1991-kii oo habeen-hore lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargeysa, taasoo ay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya oo laba toddobaad iyo dheeraad ku sugnaa Hargeysa kaga dhawaaqeen inay aqoonsadeen gooni-isu-taagga Somaliland.

Halkan hoose ka daawo ku dhawaaqistii Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya inay aqoonsadeen Somaliland iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo oo calanka ka guddoomaya Suldaanka ku dhawaaqay aqoonsiga dhinaca dhaqanku ay Somaliland siiyeen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.