Ra’iisalwasaarihii Hore Ee Pakistaan Oo Taageerayaashiisu Qorsheeyeen Inay La Wareegaan caasimadda Pakistan

Islaama-bad (Aftahannews)-Booliska Pakistan ayaa sheegay in la baadhayo raysul wasaarihii hore ee dalkaas, Imran Khan oo lagu soo oogay dacwado.

Baadhitaannada ayaa yimi kaddib markii uu ku eedeeyay booliska iyo waaxda garsoorka dalkaas in ay xidhig iyo jidh-dil isugu dareen kaaliye ay aad isugu dhow yihiin.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta dalkaas, iyadoo taageereyaasha hoggaamiyihii hore ay isugu soo baxeen bannaanka gurigiisa iyagoo wacad ku maray inay la wareegi doonaan caasimadda” haddii xabsiga loo taxaabo.

Tan iyo markii xukunka laga tuuray bishii Abriil, Imran Khan wuxuu si weyn u dhaleeceeyay dowladda iyo ciidamada dalkaas.

Booliiska ayaa shaaciyay baadhitaanka tan iyo markii uu mas’uulkaas ku eedeeyay dowladda inay jidh-dishay kaaliyihiisa oo ay aad isugu dhowaayeen, kaas oo laftiisa loo xidhay eedeymo kacdoon la xidhiidha.

Mar uu Sabtidii khudbad ka jeediyay meel fagaare ah ayuu Khan cambaareeyay taliyaha booliska Islamabad iyo haweeney xaakim ah oo uu ku eedeeyay xarigga saaxiibkii oo ay isku xisbi yihiin iyo in ay si xun ula dhaqmeen“Waa in aad diyaar u ahaataan in aan annagana tallaabo idinka qaadi doono,” ayuu yidhi isagoo si gaar ah farta ugu fiiqaya labada mas’uul.

Booliska wax baadhaya ayaa sheegay in laga yaabo in Khan uu ku xadgudbay xeerka la-dagaallanka argagixisada ee dalka u yaalla, kaddib markii lagu eedeeyay in uu hanjabaad u jeediyay mas’uuliyiinta gobolka.

Boqollaal taageerayaasha raysul wasaarihii hore ah ayaa isugu soo baxay bannaanka gurigiisa oo ku yaalla Islamabad markii uu soo baxay warka ku saabsan baaritaanka, iyagoo wacad ku maray inay la-wareegi doonaan” caasimadda haddii uu boolisku isku dayo inuu xidho Imran Khan.

Booliska goobta ku sugnaa ayaa sheegay in aysan halkaas u tagin in ay xidhaan hoggaamiyihii hore, balse ay u joogeen ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta.