Maayirka Hargeysa oo Amar ka soo saaray Lacagaha Sadaqada ee la siiyo Dadka Ajinabiga ah

Hargeysa (Aftahannews)- Maayirka magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa ganacsatada ku amray in lacagaha sadaqada ah ay ka joojiyaan dadka ajaaniibta ah ee ka dawarsada dalka Somaliland.

Maayir Mooge, ayaa sheegay in lacagaha la siiyo dadka ajaanibta ahi ay Somaliland ku soo hogaamiyeen qulqul muhaajiriin ah, oo soo doonta lacagaha sadaqada ah ee ay dadku la baxaan.

“Dad aynaan garanayn oo aan waddankan u dhalan aya iyaga oo xad dhaaf ah ay isku soo tilmaamaan waddankan, oo ay yidhaahdaan waa waddan, waddooyinka iyo bakhaarada lacagta lagu dhex qaybiyo” ayuu yidhi maayirka Hargeysa.

Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa sheegay in waraaqo amar ah uu u gayn doono ganacsatada bakhaarada leh oo iyagu sadaqada ugu badan siiya dadka soo galootiga ah oo u badan Itoobiyaan, Suuriyaan iyo Yemeni, waxaanu sheegay in lacagahaasi ay u baahanyihiin dadka muwaadiniinta ah.

“Qofka in dhiban oo jaarkiisa ah oo uu hebel hebel u yaqaano ayaa jira, kunka ha urruriyo 30 kun markay gaadhana reerka jaarkiisa ee baahan ha siiyo, bakhaarku ha joojiyo, warqaduhuna way u imanayaan, lacagta uu subixii u qaybinayo dadka soogalootiga ah” ayuu yidhi Cabdikariin Axmed Mooge.

Si kastaba, hadalka Maayirka Hargeysa, ayaa dood ka dhaliyay baraha bulshada iyadoo dadka qaar aad uga soo horjeesteen, kuna tilmaameen wax aan shaqadiisa ahayn, waxayna ku doodayaan in diintu ay amartay in dadka muhaajiriinta ah lasiiyo sadaqada.