Muqdisho: Dhibaatada Maandooriyaha Iyo Hadalheyntii Qabsatay TikTok

Booliska Soomaaliya ayaa mar kale ka hadlay dhibaatada sii xoogaysanaysa ee uu maandooriyaha ku hayo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halkaasoo dhallinyaro iyo dad da’ dhexaad ahba ay ku isticmaalaan.

Mas’uuliyiinta maamulka magaalada ayaa isla xidhiidhiyey falalka amni darrada iyo maandooriyaha oo ku sii xoogeysanaya caasimadda Soomaaliya.

Gaashaanle Sare Mire Axmed Mataan oo ah taloyaha Hoggaanka Diinta iyo Dhaqanka ee Booliska Soomaaliya BBC-da u sheegay in arrintan caqabad wayn tahay”Isticmaalka maandooriyaha aad iyo aad ayuu ugu badanayaa waqtigan xaadirka ah caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, dhallinta isticmaashana maalinba maalinta ka dambaysa way sii kordhaan, waana dhibaato run ahaantii aad iyo aad bulshada dhib ugu haysa,” ayuu yidhi taliyaha.

Dhanka kale waxa uu sheegay in ay sii bateen noocyada maandooriyaha ee ay isticmaalaan dhallinyarada Muqdisho, kuwaasoo sabab u noqda falal amni darro”Dhallinyaradu waxay istcimaalaan kuwo dabiici ah, sida xashiishka, kuwo la sameeyo, oo ah calaqa, daawooyin kala duwan, sida kaniini, cirbad la isdurayo ama sharoobo.

“Waxyaabaha kale ee ay isticmaalaan waxaa ka mid ah geed jinka, oo midhihiisa ay ka samaystaan maandooriyaha iyo xayawaanka yaryar ee la yiraahdo Jiraca.”