Shacabka iyo Baarlamaanka Gal-mudug oo taageeray gooni-isu-taagga Somaliland

“Ma dhici karto ama ma wanaagsana nin Lug iyo Gacan ka jabay oo goor uu kici doono aan la ogeyn iyo nin socday oo tallaabsaday iyo wixii loogu talo-galay qabsaday in la isku xayiro…” “Shalay iyagaa (Somaliland) noo yimi, maantana inay keligood gooni u istaagaan xaq ayay u leeyihiin…” Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug

Gaalkacyo(Aftahannews):- Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug iyo Shacabka Maamulkaas, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku hambalyeeyey dabbaal-degga 23-guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqistii gooni-isu-taagga Somaliland oo 18-kii May 1991-kii gooni uga istaagtay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, waxaanay sheegeen inay ku faraxsan yihiin heerka ay Somaliland marayso, hiil iyo hoona ay la garab-taagan yihiin.

Mudanayaasha Hambalyada u diray Somaliland ee ka tirsan Baarlamaanka Galmudug waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cali-Baashe Jimcaale Abti-doon oo ah Guddoomiyaha Amniga iyo Difaaca Baarlamaanka Galmudug, ayaa sheegay inuu hambalyeynayo Somaliland, isla markaana waxa uu ku taliyey in la taageero gooni-isu-taagga Somaliland, taasoo uu ku tilmaamay inay dan u tahay dhammaan Soomaalida iyo Islaamka-ba.

“Anigoo ah Guddoomiyaha Amniga iyo Difaaca Dawlad-goboleedka Galmudug, gaar ahaan Baarlamaanka oo ah Xildhibaan Cali-Baashe Jimcaale Abti-doon, waxaan qabaa inta wax-garadka ah inay waajib tahay inay Jamhuuriyadda Somaliland yidhaahdaan hambalyo gooni-isu-taaggooda.  Waxaan si gaar ah u hambalyeynayaa Jamhuuriyadda Somaliland oo gooni-isu-taaggoodii maanta (Axaddii dorraad) u dabbaal-degaysa, waxaanan leeyahay jira oo jooga.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cali-Baashe.

Xildhibaan Cali-baashe Jimcaale Abti-doon oo magaalada Gaalkacyo kula hadlay Horn Cable TV, waxa uu sheegay inay wax lagu farxo tahay waxa ay Somaliland qabsatay oo uu xusay inaanay cid kale oo Soomaali qabatay aanay jirin, waxaanu sheegay inay dadka iyo dawladda Somaliland Midnimadii Soomaalidii Koonfurta iyo Waqooyiga ee 1960-kii ay reer Somaliland hormuud ka ahaayeen, maantana ay xaq u leeyihiin inay keligood gooni isu-taagaan, loona baahan yaay in lagu taageero.

Waxa uu Xildhibaan Cali-Baashe oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo yidhi; “Waxa kale oo aan ku talin lahaa haddii dadku fikirayo xaasidnimo ma fiicna, Somaliland waxay qabatay cid qabtay ma jirto, horumar ayay gaadheen, dalkoodii ayay dhisteen, waxbarashada ayay guul ka gaadheen, amniga ayay guul ka gaadheen, cilaaqaadka caalamiga ah ayey guul ka gaadheen, waxaan ku talin lahaa oo aan dhihi lahaa halla taageero gooni-isu-taaggooda, kaasoo aan u arko inuu dan u yahay dhammaanba ummadda Soomaaliyeed iyo Islaamka-ba.”

“Ma dhici karto ama ma wanaagsana nin Curyaan ah oo Lug iyo Gacan ka jabay, qalbigiisu jabay, niyaddu ka jabantay oo goor uu kici doono aan la ogeyn iyo nin socday oo tallaabsaday iyo wixii loogu talo-galay qabsaday in la isku xayiro. Shalay iyagaa (Somaliland) noo yimi, maantana inay keligood gooni u istaagaan xaq ayay u leeyihiin.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Amniga iyo Difaaca Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Xildhibaan Cali-Baashe Jimcaale Abti-doon.

Sidoo kale, waxaa dabaal-degga 23-guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqistii gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland oo la xusay 18-kii May ku hambalyeeyey Somaliland qaar ka tirssan Shacabka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Gal-mudug, kuwaasoo Somaliland ku ammaanay waxyaabaha ay qabsatay ee dhismaha dawladnimada, nabadgelyada, horumarinta iyo guud ahaan heerka ay marayso, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin halka ay Somaliland maanta marayso oo ay xuseen inay u rejaynayaan inay meel ka sii fiicanna gaadho.

Xigasho Wargeyska Himilo.