Tirada dhimashada Weerarkii Hotel Xayaat oo la shaaciyay

Muqdisho (Aftahannews)- Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, ayaa sheegtay in ugu yaraan 21 qof ku dhinteen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen hoteelka Xayaat.

Waxayna wasaaraddu ay intaas ku dartay in weerarkan ay ku dhaawacmeen 117 qof oo 15 ka mid ah dhaawacoodu culus yahay.

Wasaaradda caafimaadka, ayaa sheegtay inay suuragal tahay inay dhimashadu intaas ka badan tahay lagana yaabo in dadka qaar ay maydka ehelkooda aasteen ka hor inta ayna gaynin cisbitaallada.

Goor hore oo maanta ah, ayaa ciidamada booliiska Soomaaliya sheegeen in la soo af-jaray hawlgalkii, iyadoo la soo badbaadiyey 106 qof.