Qaramada Midoobay iyo Mareykanku Maxay ka yidhaahdeen Weerarkii Al-Shabaab?

Washintong (Aftahannews)- Mareykanka iyo Qaramada Midoobay, ayaa si weyn u cambaareeyay weerarkii maleeshiyda Al-shabaab ay ku qaadday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaas oo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen in ka badan 20 qof oo u badan rayid, tiro intaas ka badanna ay ku dhawacameen.

“Dowladda Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Hayat ee magaalada Muqdisho. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehelada iyo qoysaskii dadkii ku geeriyooday, waxaana u rajeyneynaa caafimaad buuxa kuwa ku dhaawacmay. Waxaan ammaaneynaa ciidamada ammaanka Soomaaliya.” ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka oo intaa raaciyay “Mareykanka ayaa weli ku adkeysanaya taageerada aan siineyno Soomaaliya iyo dadaallada ay hormuudka ka yihiin Midowga Afrika ee looga hortagayo argagixisanimada iyo dhismaha mustaqbal ammaan iyo barwaaqo u leh dadka Soomaaliyeed”

Qaramada Midoobay, ayaa iyana sheegtay inay si weyn u cambaareyneyso weerarka Al-shabaab, waxaana bayaan kasoo baxay lagu yidhi “Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu si adag u cambaaraynaysaa weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Hayat ee magaalada”

Ugu yaraan 20 qof, ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkaas oo ahaa midkii ugu wakhtiga dheera, in kasta oo tirada dhimashadu intaas ka badnaan karto, sida ay sheegayaan ilaha ammaanka.

Isbitaallada Magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale gaadhsiiyay dhaawacyo intaa ka badan, waxaana laga soo badbaadiyay tobabbaan qof oo kale.

Isagoo ka hadlayay bannaanka hotel Xayaat, ayaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar, waxa uu warbaahinta u sheegay in howlgallada amniga lasoo afjaray saqdii dhexe ee xalay, isaga oo intaas ku daray in 106 qof oo ay ku jiraan haween iyo caruur laga soo badbaadiyay hotelka.

Waxa uu sheegay in wasaaradda caafimaadku ay faah-faahin ka bixin doonto tirooyinka khasaaraha weerarkan.