Muqdisho: Madaxweyne Isu-bedelay Xildhibaan Iyo Dhaarintii Maanta

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xildhibaan katirsan golaha shacabka ah inta nolashiisa ka dhiman,

Farmaajo waxaa xilkan kaga horreeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo sannadkii 2017 loo dhaariyay inuu noqdo xildhibaan golaha shacabka, kadib markii uu baneeyay xilka madaxweynaha sannadkii 2017.

Qodobka 64aad farqadiisa 4aad ee dastuurka KMG ayaa dhigaya in madaxweyne kasta oo xilka ka daga uu noqonayo xildhibaan golaha shacabka inta uu nool yahay haddii aanu sameyn fal dambiyeed uu xasaanadiisa ku weyn.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo dhoweeyay inuu kamid noqdo golaha shacabka, isagoo sheegay inuu masuuliyaddiisa ugu shaqeyndoono danta dalka, dadka iyo diinta.

Madaxweyne hore Farmaajo, ayaa talada dalka looga guulaystay 15 kii bishii May ee sannadkan, kadib muddo shan sano iyo saddex bilood oo uu dalka hoggaaminayay.