Diyaaradaha Drons-Ka Oo Laf Dhuun Gashay Ku Noqday Ruushka?

Hargeysa, (Aftahannews)-Ciidamada Ruushka ee ku sugan Crimea ayaa lala beegsaday weerar cusub oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Hoggaamiyaha uu Ruushka u magacaabay gobolka ayaa sheegay in diyaarad aan duuuliye lahayn oo laga leeyahay dalka Ukraine ay bar-tilmaameedsatay maraakiibta badda madow ee Ruushka ee ku sugan magaalada Sevastopol taas oo la soo riday Sabtidii.

Weerarkan ayaa imanaya iyadoo ay socdaan weeraro xiriir ah oo lagu qaaday ciidamada Ruushka iyo dhismooyin ku yaalla gacanka la qabsaday bishan.

Gelinkii hore ee Sabtida muuqaal ayaa muujinayay qiiq ka baxaya aagga Sevastopol oo ay ku sugan yihiin maraakiibta badda madow ee Ruushka. BBC-da si madax banaan uma aysan xaqiijin karta muuqaalka.

Barasaabka Ruushku uu u magacaabay gobolka Crimea, Mikhail Razvozhayev, ayaa  sheegay inuusan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka.

Waxa uu sheegay in la hawl galiyay difaacyada hawada ee maraakiibta, isla markaana la burburiyay diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Ukraine. “Waxay ku dul dhacday saqafka sare ee xarunta,” ayuu yidhi. “Ma jiro wax khasaare ah oo la taaban karo, mana jirto cid wax ku noqotay.”

Goor dambe oo Sabtidii ah, Mr Razvozhayev wuxuu sheegay in nidaamyada lidka diyaaradaha ay mar kale ka hawlgaleen Sevastopol, laakiin wax tafaasiil ah kama uusan biixin.

Dhowr weerar oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu soo sheegay Crimea maalmihii la soo dhaafay, oo ay ku jirta mid Khamiistii ka dhacay meel u dhow saldhigga ciidamada cirka ee Sevastopol iyo mid kale oo ka dhacay dekedda Jimcihii.

Horraantii bishan sagaal diyaaradood oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa lagu burburiyay weerar lagu qaaday saldhigga ciidamada Ruushka ee Saky, ee xeebta galbeed ee Crimea.Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa xiligaasi muujinayay dad badan oo dalxiisayaal Ruush ah oo ka cararay goob loo tamashle tago.Crimea waxaa sanadkii 2014-kii ku soo duulay oo la wareegay Ruushka, Ukraine ayaana wacad ku martay inay dib u qabsan doonto.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Kyiv ma aysan xaqiijin ama beenin inay ku lug leedahay weeraradii u dambeeyay ee loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.Saraakiisha reer galbeedka ayaa sheegay in dhacdooyinkan ay saameyn weyn ku yeelanayaan howlgallada iyo maskaxda ciidamada Ruushka.

Dhanka kale madaxweynaha Ukraine ayaa soo dhaweeyay heshiis u ogolaanaya kormeerayaasha Qaramada Midoobay inay booqdaan warshadda Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee Ruushka uu haysto.Hoggaamiyaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in saraakiisha QM loo oggolaan doono inay galaan xarunta nukliyeerka ee Zaporizhzhia. Aqalka Kremlin ayaa arrintan sheegay kaddib wada hadal telefoonka ah oo dhex maray Putin iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres uu BBC-da u sheegay inuu ka walaacsan yahay xaaladda xaruntaas.Wuxuu sheegay in howlaha militari ee ka socda hareeraha  Zaporizhzhia ay tahay in la soo afjaro wuxuuna ku boorriyay xukuumadda Moscow inay u oggolaato in komeerayaasha ay galaan halkaas.Xaruntan ayuu Ruushku heystay tan iyo horraantii March balse farsamayaqaannada Ukraine ayaa weli ka howl gala iyadoo uu Ruushku hagayo.