Maxkamad Xabsi Daa’in Ku Xubin Ka Tirsan Daacish

Hargeysa, (Aftahannews)- Xaakim ka tirsan maxkamadda Federaalka Mareykanka ayaa Jimcihii xukun xabsi daa’in ah ku riday xubin ka tirsan kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, kadib markii lagu helay inuu ku lug lahaa shirqool afduub ah oo horseeday dilka saxafiyiin iyo samafalayaal Maraykan ah oo lagu dilay dalka Suuriya.

Qoysaska iyo saaxiibada afarta qof ee Maraykanka ah ee la dilay iyo la haystayaal kale oo ay hore u haysteen kooxda xagjirka ah ayaa ka war dhowrayay, sida xaakimka dagmada Maraykanka T. Ellis uu u rido xukunkan, isaga oo Al-Shafei Al-Sheikh, oo 34 jir ah, ku xukumay xabsi daa’in aan lasii dayn karin, wuxuuna ku tilmaamay hab-dhaqankiisa mid aad looga naxo, arxan daran, naxariis darro, ahna dambiile.

Xeerbeegtida kiiskan ayaa bishii April go’aankooda kusoo gabagabeeyey in ninkan oo ah muwaadin hore oo Ingiriis ah, inuu qeyb ka ahaa unugga Daacish, oo lagu naaneeso “The Beatles”, kuwaas oo qoorta ka gooyay la haystayaal Maraykan ah oo lagu dilay dhulka ay maamusho kooxda xagjirka ah, waxaana lagu helay afar dacwadood oo ah afduub iyo afar fal dambiyeed.

Elsheekh oo ku dhashay Suudaan kuna koray London ayaa lagu eedeeyay inuu maleegay dilka afar la heyste oo Mareykan ah oo kala ah James Foley, Steven Sotloff, Peter Kassig iyo Kayla Mueller.

Foley iyo Sotloff oo labaduba ahaa wariyeyaal iyo Kassig oo ka mid ahaa shaqaalaha gargaarka ayaa lagu dilay muuqaal laga duubay oo qoorta laga jaray. Mueller ayaa marar badan waxaa kufsaday al-Baghdadi ka hor inta aysan ku dhiman Syria, sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanka.

Dhimashada Foley, Sotloff iyo Kassig ayaa la xaqiijiyay 2014; Geerida Mueller ayaa la xaqiijiyay horaantii 2015-kii.Ehelada iyo saaxiibada dhibanayaasha ayaa fadhiyay safafka hore ee maxkamada, waxaana la arkayay iyaga oo aad u naxsan intii ay socotay dhageysiga dacwadda, iyadoo ilmadu ay indhahooda ka daadaneysay, isla markaana ay isu tacsiyeynayeen.