Hargeysa: Maxkamadda Degmada Oo Fashilisay Shirqool Loo Dhigay Gudd. Axmed Cumar Xamarje

Hargeysa, (Aftahannews)-Maxkamada Degmada Hargaysa, ayaa sii daysay Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Waddani Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi Xamarje, kadib markii uu iibsaday xadhig 2 bilood ah oo lagu xukumay.

Xamarje ayaa la xidhay 11 August, xili uu ka qaybgalayay bannaanbixii xisbiyada mucaaradka, waxaana lagu helay danbi ah in uu sitay baastoolad sharci daro ah, sidaa darteedna waxa lagu xukumay 2 bilood oo xadhig ah, xadhigaasi oo uu iibsaday.