Weerar Xalay Lagu Qaaday Huteel Xayaad Iyo Dhimashadda Iyo Dhaawaca Oo Kordhay

Muqdisho (Aftahannews)-Ugu yaraan 15-qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarka ay dagaalamayaal ka tirsan  Al-shabaab ku qaadeen hoteel Xayaat oo ku yaalla  magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda federaalka ayaa wali ku howlan sidii ay u soo afjari lahaayeen Alshabaabka dhex dagaalamaya hoteelka iyadoo weli la maqlayo rasaas iyo qaraxyo xooggan.

Qeybaha sare ee hotelka ayaa waxaa gaaray burbur xooggan, iyadoo ciidamada amnigu ay qarxiyeen miinooyin Alshabaab ku xireen gudaha hoteelka, taasoo adkaysay in ciidamadu u dhawaadaan dableyda Alshabaab.
Dadka ku geeriyooday weerarkan waxaa kamid ah, Cabdiraxmaan Xasan Iimaan oo ahaa milkiilaha hoteel Xayaat. Sidoo kale Cabdihadi Maxamed Sheekh Aadan oo Soomaali-Norwegian ah oo la shaqeynayay Wasaaradda Batroolka ee dowladda Federaalka ayaa ku geeriyooday.
Waa mid kamid ah weeraradii ugu waqtiga dheeraa ee Alshabaab Muqdisho ka geystaan. Wuxuu kusoo beegmay xilli magaaladu ay ka nasatay weerarada nuucaan ah.