Somaliland oo Beenisey inay Madaxda Soomaaliya u Ogolaatay dalkeeda

Hargeysa (Aftahannews)- Xukuumada Somaliland, ayaa sheegtay in warbaahintu si qaldan u turjuntay hadalka wasiirka arrimaha gudaha uu ku sheegay in xukuumadu ay ruqsad siinayaanayo madaxda Soomaaliya, si ay uga qaybgalaan aaska Hadraawi.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in wasiirku aanu martiqaadin madaxda dowlada Soomaaliya, isla markaana ay warbaahintu qalad fahantay.

“Warbaahinta ayaa si qaldan oo been abuur ah u turjuntey hadalkii Wasiirka, iyagoo ka dhigay in uu ogolaaday in ay aaska ka soo qayb geli karaan madaxda Soomaaliya, warkaasoo ah mid aan sal iyo raadtoona lahayn” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaarada.

Wasiir Kaahin oo la waydiiyay hadii xukuumadu ogolaanaysa in madaxda Soomaaliya ka soo qaybgalaan aaska Abwaan Hadraawi, ayaa yidhi “Waanu soo dhawaynaynaa, ruqsad ayaanu siinaynaa, waana nu u mahadcelinaynaa”.

Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay in Hadraawi uu ahaa abwaan ay wada jecelyihiin dhamaan shacabka Soomaalidu sidaa darteedna ay ogolaan doonaan cidkasta oo soo codsata ka qaybgalka aaska Hadraawi.