Somaliland: Isbaheysiga Ururrada Siyaasadda oo war ka soo saaray Muranka Doorashooyinka

Hargeysa (Aftahannews)- Isbaheysiga ururada Siyaasadda Somaliland, ayaa maanta soo saaray War-saxaafadeed ay kaga hadlayaan gabagabada wajiga koowaad ee diiwaangalinta ururada siyaasadda, iyadoo isla maanta ay guddida diiwaangalinta ururadda siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranku ay shahaadada ku meelgaadhka ah guddoonsiiyeen 15-kii urur ee ku soo gudbay wareegii koowaad ee diiwaangalinta ururada.

War-saxaafadeed ay si wada jir ah ugu saxeexan yihiin Afhayeenka Isbahaysiga Urrurada Siyaasada Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye iyo Xoghayaha Isbahaysigaas Eng Xamse Xasan Oday, ayaa lagu sheegay in iyagoo la socda jewiga Siyaasadeed ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland ay Isbahaysigoodu bogaadinayaan shaqada ay qabteen guddida diiwaangelinta Urrurada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka.

War-saxaafadeedkani waxaa lagu sheegay in guddida diiwaangelintu ay ku shaqeeyeen Xeer No. 14 oo ah Xeerka nidaamka urrurada siyaasada iyo Xisbiyada qaranka iyagoo hoosta ka xariiqay dooda ka dhex taagan Saddexda Xisbi qaran ee haatan jira oo qaarkood ku doodaya in marka hore la qabto doorashadda Madaxtooyadda oo ku astaysan 13-ka bisha November, hasa yeeshee Isbahaysiga Urrurada siyaasadu waxay aaminsan yihiin in uu Sharcigu dhigayo Lix bilood ka hor xiliga ay Shahaadadu ka dhacayso Xisbiyada qaranka in la furo Isdiiwaangelinta Urruradda siyaasadda taas darteedna ay aaminsan yihiin in Doorashadda Madaxtooyadda ay gelayaan Saddexda xisbi ee ku soo baxa doorashadda tooska ah.

Waxa kale oo ay War-saxaafadeedka ku sheegeen Isbahaysiga Urrurada Siyaasadu in sida ugu fudud ee is maandhaafkan lagu xalin karayaa tahay in la qabto doorashadda Tooska ah ee Urrurada siyaasadu ay ka qayb qaadanayaan taasoo u gogol xaadhaysa inay yimaadaan Saddexda Xisbi qaran ee distoorku jideeyay, iyagoo intaas ku daray inay si dhow ula shaqayn doonaan guddida diiwaangelinta isla markaana ay rajaynayaan in la dhamaystiro geedi socodka dimuquraadiyadaa ee Somaliland.