Mudanayaal Madaxweyne Xasan Sheekh taageeray iyo kuwii hore oo kala jabay

Muqdisho(Aftahannews):- 129 Xildhibaan oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana ay xubno ka yihiin Mudanayaal ka tirsanaa 133 Xildhibaan oo Madaxweynaha ugu baaqay inuu is-casilo, ayaa maanta shaaciyey inay taageersan yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud.

2

1

4

3

5

Xildhibaannadan ayaa waxay Shegeen in aan loo baahneyn in iminka uu Dalka Galo Isbeddel Siyaasadeed waxayna Sidoo kale Sheegeen in la taageero oo loo gargaaro dadka ay Colaadaha  ay Saameeyeen.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadii kulanka soo qaban qaabiyay oo madasha ka hadlay ayaa waxay carabka ku adkeeyeen inay ku qanacsan yihiin sii hogaaminta dalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo ku ammaanay isbadalo la taaban karo oo dhinacyo badan leh mudada yar ee Kursiga uu ku fadhiyo madaxweynaha Soomaaliya,waxayna talo wanaagsan u jeediyeen xildhibaanadii dhawaan shiray inay u horseedin dalka dib u dhac iyo dhibaayooyin laga soo gudbay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere wuxuu ka mid yahay xildhibaanadii lahaa qaban qaabada kulanka maanta lagu taageerayay Dowlada Soomaaliya, isagoo hadal goobta ka jeediyay ku amaanay madaxda dalka inay isbadlo waa weyn ay muujiyeen oo ku aadan xaga amniga,dhaqaalaha iyo hormarka arrimaha gargaarka bini’aadannimo ee dalka ka jirta.

Sidoo kale waxa Kulanka ka hadashay Xildhibaanad Aamina Cumar waxayna Sheegtay in loo baahan yahay wax loo qabto Dadka Tabaaleysan oo aan lagu Mashquulin in Madaxda Dowlada waajibkooda shaqo gudanaya la niyad jabiyo.

“Kulankeena maanta muhiimadiisa wuxuu yahay taageerada iyo garab istaaga Dowlada Soomaaliya iyo in laga soo horjeesto dalabkii ahaa in madaxweynaha Soomaaliya iscasilo,Dowlada Soomaaliya waxay hamiga ku haaysaa  ah in dalka sanadka 2016-ka uu galo doorasho xor ah oo qof waliba oo muwaadin ah xor u noqonayo inuu ka qeyb qaato.” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo ka mid ahaa xildhibaanadii Muqdisho ku kulmay.

Dowlada Soomaaliya ayay ku amaaneen sida wanaagsan ee  dadaalka ugu jirto xasilinta dalka iyo waliba dib u dejinta dadkii ka barakacay deegaanadii dagaalada ay saameyn ku yeesheen.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.