Waxka oggow Taariikh-nololeedkii Abwaan Hadraawi

Hargeysa (Aftahannews)- Allah ha u naxariistee waxa gelinkii dambe ee maanta Hargeysa ku geeriyooday Abwaankii Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo muddooyinkii u dambeeyey xaalad caafimaad u yaallay cusbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa.

Abwaan Hadraawi wuxuu ku dhashay magaala madaxda gobolka Togdheer ee Burco sanadki 1943kii, waxa uu ka dhashay qoys dan-yar ah oo ka koobnaa 9 carruur ah, hal gabadh iyo siddeed wiil. Maxamed Ibraahim markii uu 10 jir ahaa wuxuu tagay dalka Yemen isagoo wakhtigaa laga billaabo la nolaa adeerkii.

Halkaas ayuu ka galay dugsi, iyadoo magaca uu ku can baxay ee Hadraawi uu halkaa uga baxay, waraysi uu bixiyay ayuuna ku sheegay magacu inuu asal ahaan (Abuu Hadra) oo uu macallinkii dugsigu u bixiyay, maadaama uu ahaa nin ardayda aad ugu sheekeeya, kana qosliya. Marki uu dugsiga ka baxayna wuxuu macallin ka noqday mid kamid dugsiyada hoose ee dalkaYemen.

Markii ay Somaliland xornimada qaadatay, ee ay midoobeen gobollada waqooyi iyo koofur, Hadraawi Yemen wuu ka soo tagay isagoo dib ugu soo laabtay dalkiisa magaalada Muqdisho, isagoo halkaas mar kale noloshiisa ka billaabay, wuxuu ku biiray jaamacadda Umadda, ka qali jebiyay oo isla iyadana uu bare ka noqday, iyadoo ay bar-bar socotay inuu la shaqaynayay wasaaraddii warfaafinta iyo Radio Muqdisho.

Allah ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame oo ku magac dheeraa (Hadraawi), ayaa ahaa mid kamid ah tiirarkii fanka Soomaalida, waana Abwaan ku caan baxay curinta Heesaha iyo Gabayada.

 

Hadraawi oo noqday gabyaa iyo heeso curiye caan ka ah bulshada dhexdeeda wuxuu ahaa nin aad uga soo hor jeeda maamulkii milateriga ahaa ee uu majaraha u hayay Maxamed Siyaad Barre, heeso iyo gabayo ka soo hor jeeday maamulkiisa oo uu tiriyay darteed, ayaa sababtay in xabsiga loo taxaabo, waxaana lagu xidhay magaalada Qansax Dheere oo ah magaalo 90km dhanka koofur galbeed ka jirta magaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo, wuxuuna xabisag ku jiray 5 sano laga soo billaabo 1973 ilaa 1978.

Hadraawi markii uu xabsiga ka soo baxay wuxuu kamid noqday maamulka Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.

 

Xilliyadii billiwga burburka iyo dagalladii sokeeye Hadraawi wuxuu tagay Ingiriiska isagoo kaddibna safarro ku soo maray inta badan waddamada Yurub iyo Mareykankaba, wuxuuna ka qayb galay xaflado faneed oo lagu dhigayay waddamadaas.

1999 ayuu Hadraawi ku soo laabta Hargeysa.

Heesaha ugu caansan ee lagu xasuusto Hadraawi waxaa kamid ah: Beledweyn oo uu qaaday fannaanka Xasan Aadan Samatar. Hooyo oo uu qaaday allaha u naxariistee fannaankii lagu magacaabay boqorka codka Maxamed Saleebaan Tubeec. Jacayl Dhiig Malagu Qoray oo iyadana ay qaadday allaha u naxariistee boqoraddi codka Xaliima Khaliif Cumar Magool. Suleekha oo uu qaaday allaha u naxariistee Fannaankii Maxamed Nuur Giriig. iyo kuwa kale oo badan.

Qaar kamid ah heesaha uu sameeyayna waxaa lagu tarjumay luqado kale.
Gabayadiisana waxaa kamid ah: Gudgude, Daalallay, Daba huwan oo ah gabay aad u dheer kana kooban ilaa 803 tuduc ama bayt. Silsiladdi Sinlay oo uu qayb ka ahaa, iyo kuwa kale oo badan.

Abwaan Hadraawi, ayaa sanadkii 2021-kii soo bandhigay buug cusub oo uu muddo 10 sanadood ah ka shaqeynayay oo la magacbaxay HAWAALE WARRAN.

 

Buugga HAWAALE WARRAN waxa uu ku bilaabmayaa Arar kooban oo daarran aragti nololeed oo kugu xidhaysa sababaha uu abwaanku xilligaas buugga u daabacay iyo gogoldhig uu abwaanku kaga warramayo noloshiisii, hanaqaadkiisii iyo bilawgii halabuurkiisa ee horraantii 1970naadkii qarnigii tagay iyo noloshiisii xabsiga ee Qansaxdheere.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi sanadki 2012-kii wuxu ku guulaystay abaalmarinta Prince Claus Fund oo uu ku mutaystay gabayada iyo heesaha waxtarka u leh bulshada ee uu sameeyay.

Allah ha u naxariistee Abwaan Hadraawi, oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, ayaa ku dhintay da’da 79 jirka, isagoo laf-dhabar u ahaa suugaanta Soomaalida, oo uu sameeyay heeso badan oo caan baxay.

Wuxuu ka qeyb qaatay silsilado maanso, si aad ahna wuxuu uga soo horjeestay dowladdii kacaanka ee uu majaraha u hayay Maxamed Siyaad Bare.

Qaar ka mid ah Suugaanta Taariikhda Gashay ee Abwaan Hadraawi