Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Geerida Abwaan Hadraawi

Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu ka hadlay Geerida ku timi allah ha u naxariistee Abwaankii weynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).

Allah ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ka mid ahaa shaqsiyaadka lafdhabarka u ah fanka Soomaalida, ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Somaliland iyo umadda ku hadasha Afka Soomaaliga uga tacsiyadeeyey geerida Abwaan Hadraawi.

Hadraawi, oo ku dhintay da’da 79 jirka, ayaa 1943-kii ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer, wuxuuna isaga oo yar uu tagay dalka Yemen oo uu ku sugnaa ilaa xornimadii, markaasi oo uu u soo wareegtay Muqdisho.