Somaliland: Dad cadhaysan oo Weerar ku qaaday Wasiirka Xannaanada Xoolaha

Hargeysa (Aftahannews)- Dad cadhaysan, ayaa dhagax la boobay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxamed, oo ka qaybgalay aas loo sameeyay 3 qof oo ku dhintay bannaanbixii 11 August.

Kadib markii uu dhamaaday aas xabaalaha Halleeya ee magaalada Hargaysa loogu sameeyay 3 qof oo ku dhintay mudaharaadkii mucaaradka, ayay dadwayne aaska kasoo qaybgalay dhagax ku bilaabeen wasiir Sulub oo aaska ka qaybgalay.

Waxa baraha bulshada ku baahay muuqaalo tusinaya wasiirka oo dhagax lagu eryanayo, iyo ilaaladiisa oo xabad kor u ridaya si ay u joojiyaan dadka wasiirka soo weeraray oo madaxa weer cas ku xidhan.

Mucaaradka, ayaa xukuumada u haysta dilka saddexda qof oo booliisku toogteen xili ay ka qaybgalayeen mudaharaadkii ay xisbiyada mucaaradku soo qaban qaabiyeen ee Khamiistii qabsoomay.

Guddid cusub oo iskul xilqaantay dhexdhexaadinta mucaaradka iyo xukuumada Somaliland, ayaa sheegtay in xukuumadu ay bixin doonto magta dadkii ku nafwaayay mudaharaadka iyo dawada dadka dhaawaca ah.