Xildhibaannada Kulmiye: “Waddani Wuxuu u Xuub-siibtay Waxyeelada Qaranka”

Hargeysa (Aftahannews)- Qaar ka mid ah Xildhibaannada xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ee ugu jira Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay Mudanayaal ay ka wada tirsan yihiin Golaha Wakiillada, kuwaasi oo ah mudanayaal ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka.

Xildhibaanadan oo Warbaahinta la hadlay, ayaa waxaa ay sheegeen in Golaha Wakiillada Somaliland uu yahay xeer dajin, isla markaana aanu ahayn meel cid gaar ah lagu difaaco.

Xildhibaan Cali Qaran, ayaa waxaa uu sheegay in ay aad uga xun yihiin in xarunta Golaha Wakiillada si fool xun looga aflagaadeeyo Culimada dalka Somaliland.

“Golaha Wakiillada maaha meel qof kursi lagu saaro iyo meel qof lagu difaaco waxa aanu nahay xeer dajiyaal xeer 14 waxa uu ka mid yahay xeerarkii golahani soo saaray, shacabka ayaanay niyad jab ku tahay in halkan laga yooyootamo. waan ka xumahay in golaha lagu aflagaadeeyo Culimada. maanta odhan mayno culimadu door kumay lahan in qaranku halkan soo gaadho, wuxuu u xuubsiibtay Xisbiga Waddani in uu qaranka waxyeelo ku soo kordhiyo, waxaana uu u qaybsamay Xisbiga Waddani in Xirsi ka dhex hadlo iyo in laga xanqarsado.” ayuu yidhi Xildhibaan Cali Qaran.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Cismaan, ayaa isna waxaa uu tilmaamay in Xildhibaannada xisbiyada Mucaaradku ay diidmo kala hor yimaadeen Koomiishankii Doorashooyinka ee Doorashada qaban lahaa.

“Koomishankii Doorashada qaban lahaa Xildhibaanadii Mucaaradka ayaa diidmo kala hor yimid, geedi socodkii Doorashooyinka waalagu jiraa Ururadii waa laga qabtay araajidii lacagtiina waa shubeen. cidii doorasho doonaysaa haka qayb gasho sabab ay u samayso Banaanbax qayral sharciya ma jirto, Mucaaradka leh maxaa loo diiday odayaal iyo Salaadiin ayaa galay,waxa ay rabaan in dib loogu noqdo axdi Beeleedkii laga soo gudbay anuguna ka yeeli cidna ka yeeli mayso.” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cismaan.

Xildhibaan Ibraahim Cali Jaamac oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay in shaqada Golaha Wakiillada aanay ahayn fulin hase yeeshee ay yihiin sharci dajin.

”Waxa aan u iftiiminayaa shacabka reer Somaliland waxa aanu nahay gole ka shaqeeya sharci dajinta dalka,shaqadayada waa in aanu dajino shuruucda wadanka.shaqadayada maaha fulin ee waa in aanu ilaalino sida loogu dhaqmayo Xeerarka, Shirguddoonka Golaha Wakiilada waxa ay iska soo dabasaareen waraaqo baalmarsan xeer hoosaadka Golaha Wakiilada iyo qaabka aanu u shaqayno. waxa aanu u dooranay Shirguddoonka Golaha Wakiillada in shirguddoomiyo go,aamada gole waynuhu gaadho.” ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Cali Jaamac.