Madaxweyne Biixi oo Guddi Baadhis ah u saaray mudaharaadkii

Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa guddi wasiiro ah, u saaray in ay soo baadhaan sababta keentay mudaharaadyadii Khamiistii, khasaaraha ka dhashay, cida eedda leh, iyo sida xal mustaqbal oo waara loogu heli karo.

Madaxweynaha, ayaa arrintan u xilsaaray Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Isgaadhsiinta Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi, Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Sacad Saajin iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed.

Dhinaca kale, xubnaha guddiga, ayaa ah dhamaantood wasiiro ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee mucaaradku ku eedaynayo in ay leedahay masuuliyada khasaarihii ka dhashay mudaharaadka, sida dareed ma samayn karaan baadhis madaxbanaan.

Xisbiyada mucaaradka, ayaa iyaguna dhankooda magacaabay guddi soo baadha khasaaraha ka dhashay mudaharaadka, ilaa hadana ma jirto guddi madaxbannaan oo arrintan xil iska saartay.