Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya: “Macquul ma aha inaanu ku uruurno waddada Maka-almukara”

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa waxaan macquul ahayn ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ku uruurto waddada Maka Almukara, xilli Muqdisho inteeda kale uuu sheegay inay ammaan tahay oo ayna cabsina ka jirin.

Ra’iisal wasaaraha oo ka qeyb galayay kulan lagu soo dhoweynayay xukuumadiisa ayaa yidhi,” Ma waxaan dowlad ku noqonay Makal mukarama. Hadda Airport-kii baa la dhex galay. Waxaan ka cabsanayaa in aan hotelo iyo guryo ka dhex dhisano, sidaas sax ma aha. Waxaa loo baahan yahay bal inaan horta Muqdisho kaliya amnigeeda xaqiijino kana sifayna cadowga.”

Dhinaca kale, Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay in dhismaha laamigii isku xidhayay Muqdisho iyo Jowhar uu ku istaagay magaalada Balcad.

Ra’iisal wasaaruhu wuxuu sheegay in sababo amni darteed loo dhaqaajin waayay laamigaas, isagoo caddeeyay in haatan halis loogu jiro in mashruucaas uu istaago.

Wuxuu sheegay inuu mashruucu laba jeer waqtigiisii dhacay oo haddana dib loo cusboonaysiiyay, isagoo intaas ku daray in dowladda maalgalisay mashruucan ay u sheegtay dowladda Soomaaliya, in laamiga inta hadhsan Muqdisho lagu dhiso.

“Balcad meeqay jirtaa? 28km meelahaas. Jidkaas hadda meeshaas ayuu ku istaagan yahay. Waana la dhaafin la’ yahay amni darrtii. Suurtagalna ma aha inaan Jowhar diyaarad u raacno, oo aynaan baabuurna raaci karin,’ ayuu yidhi ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisal wasaare Xamse, ayaa waxa uu ku baaqay in amniga loo soo wada jeesto oo aan dowladda keliya lagu halayn inay Al-Shabaab Soomaaliya ka saarto. Wuxuu sheegay inaanay dowladdu waxba qaban karin haddii shacabku ayna soo sheegin dadka amni darrada wada.