Doon u rarnayd Ganacsato Soomaali ah oo ku Gubatay Xeebaha Cumaan

Cuman (Aftahannews)- Dooni lagu magacaabo Al-caalam oo sidday hanti gaadhaysa (1600-Tons) oo qiimaha ahaana ka badnayd (4 Million) oo dollar, ayaa ku gubatay xeebaha Cuman, xilli ay ku soo jeeday Soomaaliya.

Doonidan, ayaa u rarnayd ganacsato Reer Puntland ah, waxaana badeecadaha ay waday isugu jireen Shidaal, Raashin’ Gadiid kala duwan, Qalabka dhismaha iyo Bagaash.

Waxay doontaan ka soo shiraacatay dalka Emaaraatka waxayna ku sii jeeday Dekeda Boosaaso, iyadoo ku gubatay meel u dhow xeebta Masiira ee dhinaca Cuman.

Bishii June ee sannadkii hore ayay ahayd markii  Doon u rarnayd ganacsato Soomaali ah ay ku gubatay biyaha u dhaxeeya Cumaan iyo Dubai, waxaana ku khasaaray hanti fara badan oo ay lahaayeen ganacsato ka soo jeeda Puntland.

Inta badan xilliga xagaaga waa xilliyada ay dhacaan gubashada Doonyaha ka yimaada wadamada Khaliijka, iyadoo loo sababaynayo dabaylo xooggan ka dhacaya badda.