Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Waqooyiga Nageria

Kano(Aftahannews):- Weerarka bambaano ee lagu qaaday magaalada Kano ee waqooyiga Nigeria ayaa ugu yaraan waxaa ku dhintay 5 qof tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay xaafad ay ku badan yihiin dadka Kirishtaanka ah, halkaa oo maleeshiyada Boko Haram ay horay u beegsadeen.

Qarax ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay meel laga raaco basaska ee caasimadda Nigeria

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ku qarxay xaafada Sabon Gari, oo ka tirsan magaalada Kano, oo ay ku badan yihiin dadka kirishtaanka ah.

Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa dad badan waxa ay joogeen baararka iyo wadooyinka.

Waxa uu ahaa qarax weyn – oo matoorka oo kaliya ayaa ka soo haray gaariga lagu fuliyay weerarka.

In ka badan hal sano magaalada Kano, waxa ay aheyd mid nabdoon, waxaana loo sababaynayaa howlgallo dhanka ammaanka ah oo xigay mowjado weerarro ah oo ay soo qaadeen maleeshiyada Boko Haram.

Bishii Maarso ee sanadkii hore, xarun laga raaco basaska ayaa lagu weeraray bambooyin, halka bishii Janaayo sanadii 2012-ka ay kooxda Boko Haram ku qaadeen magaalada mid ka mid ah weerarrada ugu dhimashada badnaa oo ay ku dhinteen in ka badan boqol iyo konton qof, taasoo ka dhalatay qaraxyo isxigxigay oo ka dhacay magaalada.

Kooxda ayaa weli waxa ay gacanta ku hayaan in ka badan 200 oo gabdho iskuuleey ah, kaddib markii bishii la soo dhaafay ay ka khafaasheen tuulo fog oo ku taal waqooyi bari ee dalka Nigeria.

Dhowr dal oo ay ku jiraan Ingiriiska, Mareykanka iyo Faransiiska ayaa ballanqaaday in ay gacan ka geysan doonaan sidii gabdhahaasi lagu soo badbaadin lahaa.

Hogaamiyayaasha Afrika oo dabayaaqada todobaadka ku kulmay magaalada Paris, ayaa isku raacay in weerar lagu qaado kooxda Boko Haram, iyagoo ballanqaaday in ay wadaagi doonaan sirdoonka ayna ka wada shaqeyn doonaan tallaabo ka dhan ah kooxda.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.