Mareykanka oo Digniin ka soo saaray Rabshadaha Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Dowladda Mareykanka, ayaa diginin culus ka soo saartay rabshadaha ka taagan Somaliland ee ka dhashay is-mari waaga ka taagan qabashada doorashada madaxweynaha ee u dhaxeeya Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka.

Mareykanka, ayaa xukuumadda Somaliland iyo madaxda xisbiyada mucaaradka ugu baaqday in ay si deg deg ah ugu soo laabtaan miiska wadahadalada.

Qoraal ka soo baxay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowlada Mareykanku mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland u soo jeedinayso in ay ka fogaadaan qaska siyaasadeed.

“Waxaan si xooggan ugu baaqaynaa hoggaamiyeyaasha xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland inay ka fogaadaan rabshdaha inta ay socdaan dibadbaxyada, ayna si deg deg ah ugu laabtaan wada-hadallada siyaasadeed,” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka.

“Guuldarada in heshiis laga laga gaadho doorashooyinka waxay halis ku tahay guulaha ay Somaliland ka gaadhay dowladnimada dimoqraadiga ah,” ayay tidhi safaaraddu.

Dibadbaxyo ay rabshado ka dhasheen, ayaa maanta ka dhacay magaalada Hargeysa iyo qaar ka mid ah magaalooyinka kale ee Somaliland, halkaasi oo ciidamadu ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal taageersan mucaaradka.