Madaxweyne Xasan oo xalay socdaal kedis ah ku dhex-mushaaxay qaybaha Muqdisho

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si kadis ah ku booqdey saldhigyo ku yaalla qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho,waxuuna warbixino ka dhageysanayey taliyaasha hesta xarumaha u tagay.

12

3

Ujeeddada booqashadan habeenimada ah ee u madaxweynaha ku tagayey saldhigyada booliska degmooyinka gobolka Banaadir,waxaa lugu sheegay inay la xiriito u kurgalida sida ay u howlgalaan ciidammada amniga xilliga habeenki.

Socdalka madaxweynaha,waxaa uu ugu horreeyn ku tagay saldhigga Bari ee degmada C/casiis, halkaas ayuu madaxweynuhu ugu tagay saraakiil ka tirsan Booliiska iyo madaxda maamulka degmadaasi, iyadoo ciidammada iyo qaar ka mid ah saraakiishana waqtigaasi ay ku maqnaayeen howlgal degmada C/casiis dhexdeeda ah,

Intii uu madaxweynuhu joogay saldhiga Bari ayaa waxa uu xog wareystay saraakiisha saldhiga, waxeyna faahfaahin ka siiyeen xaaladda ciidammada iyo guud ahaan amniga degamdaasi, wuxuuna uga mahadceliyey dadaalkooda ku aaddan sid ay u dhowrayaan amniga shacabka.

Madaxweynaha ayaa uga sii gudbay halkaasi degmada Kaaraan, isagoo sii maray waddooyin dhowr ah waxa uuna gaaray Madaxweynaha Saldhigga degmada Kaaraan, waxa uuna su’aalo kala duwan oo la xiriirra sida ay u shaqeeyaan ciidammada Booliska weydiiyay saraakiisha saldhigga ku sugnaa, iyagoo ku warbixiyay in ciidammada ay si joogta ah kormeer uga sameeyaan dhammaan xaafadaha degmada, shacabkana ay ka helaan wada shaqeyn wanaagsan.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu kormeer ku tagay Saldhigga degmada Waaberi, isagoo soo idha indheeyey qeybaha saldhigga mar kalena su’aalo weydiiyey taliyhii saldhigga, waxa uuna ugu dambeyn ku dhiirageliyey in ay sii laba jibaaraan ilaalinta amniga, shacabka.

12

Dhinaca kale,waxaa la arkayey madaxweynaha oo ka dul dhacay qar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho oo ku caweynayey goobaha la isagu yimaado oo ay maheradaha ka mid yihiin,sidoo kale madaxweynuhu waxaa uu tagay qaar ka mid ah xarumaha ganacsiga kala duwan ee ay Muqdisho ku leeyihiin ganacsatada.

Madaxweynaha dadka uu kula kulmayey goobaha la isagu yimaado iyo xarumaha ganacsi waxaa uu kala sheekeysanayey xaaladda ammaanka iyo sida ay ciidammada ula dhaqmaan, isagoo sheegay in waqtigan sababta ay u soo gaareen ay tahay amniga oo ay isku haleyn karaan, madaxweynaha ayaa wadada Maka Al-Mukarama kula kulmay wasiir ku xiggeenka Amniga iyo saraakiil ka tirsan ciidammada Booliska Soomaaliyeed oo xiligaasi howllo shaqo ku guda jiray.

Waxaa lugu sheegay booqashada uu madaxweynaha xilligii habeenkii ah ku tagayo qeybo ka mid ah Muqdisho inay la xiriirto ogaal-shiyaha ammaanka ee caasumada,waxaana uu madaxweynaha dhowr mar ku cel celiyey inay si dheer udabagali doonan laamaha ammaanka si loo sugo amniga caasumada dalka ee Muqdisho.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.