Ciidanka Liyuu Booliska iyo Al-Shabaab oo Maanta Dagaal Dhexmaray

Jigjiga (Aftahannews)- Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka Liyuu Booliska dowlad deegaanka Soomaalida iyo Ururka Al-Shabaab, ayaa saaka dhacay tuulo lagu magacaabo Sanku dhooble oo u dhaw deegmada Qallaafo ee gobolka Shabelle ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan ayaan la ogaan karin, inkastoo dhinaca dowlad deegaanka Soomaalida ay sheeganayaan inay guulo ka gaadheen dagaalka maanta, haddana ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara arrinkaas.

Dagaalka maanta, ayaa ku soo hagaagaya xilli xukuumadda dowlad deegaanka Soomaalidu ay hore u sheegtay in Kooxda Al Shabaab badankooda laga saaray deegaanka.

Ma jiro wali warar rasmi ah oo ka soo baxay dhanka xukuumadda dowlad deegaanka Soomaalida oo ku saabsan dagaalka maanta.

Al-Shabaab, ayaa dhawr jeer weeraro ku qaaday dowlad deegaanka Soomaalida, weerarada hore ayaa u badnaa dhanka xadka, inkastoo kan maanta uu ahaa mid ka dhacay gudaha deegaanka Soomaalida, meel u dhow dhanka xadka deegaanku la leeyahay Soomaaliya.