Somaliland: Sidee Looga Bixi Karaa Hadimada Siyaasadeed ee Taagan?.Cabdiraxman Yusuf Cartan

Somaliland maanta waxa ka taagan dhibaatooyin xooggan oo u baahan in si muddakar ah looga arrinsado. Kuwaasoo ay ka mid yihiin:

  1. xaaladda ammaan ee Gobolka Geeska Afrika oo khataro colaadeed ka aloosan yihiin;
  2. dhibaatyooyin dabiici ah ay ka mid yihiin abaaro khatar ku haya miyigii iyo xoolihii dadkeenna iyo dalkeenna lafdhabarka u ahaa;
  3. Cunto yari heer caalmi ah oo adduunka soo waajahday ayna sababeen dagaalka ka socoda Ruush-ka iyo Yukrayn, kaas oo saamayn burbur ku yeelanayaa dalalka noloshoodu ku xidhan tahay cunto debedda uga timmaadda;
  4. Sicir-bararka shidaalka ee ka dhashay dagaalka Ruush-ka iyo Yukrayn oo xataa caalamkii horumaray khatar ku haya;

Arrimhan kor ku xusan oo idil waa kuwo khatar innagu haya, haseyeeshee aynaan reer Somaliland ahaan wax badan ka qaban karayn. Haddaba, iyadoo dhibaatooyinkaas qaradaweyni inagu xeeran yihiin ayaa waxa kale oo ina haysta arrimo kale oo khatar ah oo ka dhashay nidaamkeenna siyaasiga ah. Kuwaas oo ay ka mid yihin:

  1. Hay’adihii distooriga ahaa sida Guurtida oo muddo-xiloodkoodi dhammaaday;
  2. Madaxtooyadii oo muddo xileedkiisii gabaabsi yahay;

Hay’adihii kale ee sharci

  1. Xisbiyadii qaranka oo muddadoodi gabaabsi tahay;
  2. Komishankii Doorashada oo ilaa iminka jirin;
  3. Furistii ururrada siyaasiga oo kalkoodii joogo;

Xiligan adag; caqabadahaas siyaasiga ah ee dalka soo wajahay halis weyn bay Somaliland ku hayaan.

Waxay u baahan yihiin in si dhaqso ah xal loogu helo. Si aynaan ummadda dhibaataysan ugu kordhin mushkilado cusub oo cidhibtooda danbe la saadaalin Karin.

Isqabdyada siyaasiga ah ee Somliland siyaabo kale duwan baa loo furdaamin jirey. Horta nidaamkeenna siyaasiga ah waxa loo yaqaannay nidaam siyaasi ah oo isku dhafan, (Hybrid Political System). Waa nidaam isugu jiraa qaab dhaqan iyo qaab distoori ah, kaas oo Sabab kastaa ha ugu wacnaatee, marka qaabka distooriga ahi qiil u waayo mush-kilada taagan, waxa loo leexan jirey qaab-dhaqameedka kaas oo mar walba lagu gaadhi jirey xal raali laga wada yahay.

Maanta waxaynnu joognaa xilli aanay aaladihii distooriga ahaa (constitutional tools) xal u hayn dhibaatooyinka taagan. Waa waqtigii raggii ragga ahaa odhan jireen, “distoor idiinma eegin, sharci idiinma eegin, xeer hoosaad idiinma eegin ee sidaas baa la yeelaya!” Iyadoo loo leexanayo xal dhaqan, laysku wada raaci jirey lana odhan jirey shushaw bax sharaw guur. After all, ma nihin ummad distooriya, waxaynnu nahay ummad dhaqan oo beelo ka kooban.

Maanta iyo dan, xukuumadeey qiil distoor ma jiro. Mucaaradaw mudaaharaad la abaabulaa khatarihiisuu leeyahay.

Soojeedin:

Degdeg ha u wada fadhiistaan labada xisbi mucaarad iyo xukuumaddu:

  1. Xukuumadda, Maxkamdda Sare iyo xoogagga siyaasadeed, iyagoo tixgelinaya xaaladda qalafsan ee distooriga ah (constitutional gaps) ha laysku raaco in Guurtida loo kordhiyo 24 bilood, 36 bilood;
  2. Ha laga wada hadlo muddo-kordhinta xukuumadda, 12 bilood, 18bilood iyo muddo kordhinta xisbiyada siyaasiga ah 12, 18 bilood. Muddadaas ha la diyaariyo doorashadii madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, taasoo ay Guurtidu fulinayso;
  3. Degdeg ha loo hawlgeliyo Komishanka doorashooyinka qaranka.
  4. Ururrada siyaasadeed iyaguna muddadaas urur ahaan ha u sii shaqayeen hana kasbadeen taageerayaal.
  5. Doorashada madaxtooyada kadib, madaxweynaha soo baxaa ha qabto tartankii ururradu xisbiyo ku noqon lahaayeen.
  6. Madaxweynaha soo baxaa iyo Xukuumaddiisu ha ka hawlgalaan miisrka Guurtida inay sida distoorku sheegayo noqonayso xulasha ama doorasho;

Doodda siyaasadeed aynnu ka leexinno yooyootan, hanjibaad iyo ku cadiigsi, waa in la ogaadaa in aayihii Somaliland miiska saaran yahay, xilkasnimo iyo isu tanaasul keliya baa lagaga bixi karaa.