Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Oggolaatay In Xisbiyadda Mucaaridku Qabsadaan Mudaharaadkooda

Hargeysa, (Aftahannews)-Xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa ku heshiiyay in mucaaradku ay isu-soo-baxyo nabadgalyo qabsadaan maalinta Khamiista.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ka warbixiyay shir madaxda mucaaradku la yeesheen wasiirka amniga, ayaa sheegay in lagu heshiiyay in mudaharaadada mucaaradku ay wakhtigooda ku qabsoomaan.

“Waxaanu la kulanay wasiirka iyo ilaa 5 wasiir oo kale, jawi wanaagsan oo ilaa intii fidmadani dhacday aan hore loo arag, waji fur furan oo keeni aynu ku naqaanay reer Somaliland ah ayaanu kala kulanay … waxaanu ku heshiinay in mudaharaadkeenii si nabadgalyo ah khamiista inoogu dhici doono” ayuu yidhi Waraabe.

Waxa uu sheegay in ay xukuumada isku afgarteen in mudaharaadadu ay si nabad ah ku qabsoomaan, isla markaana shacabka iyo booliisku ay iska kaashadaan sugida amniga mudaharaadka”Waxaanu ka hadlaynay siduu nabadgalyo inoogu dhici lahaa, anay shisheeyana inoosoo dhexgaleen, wax nabadgalyadeena khal khal galiyaana inoosoo dhexgaleen, ee inaga iyo booliiska Somaliland ee nabadgalyadu gacmaha isku qabsan lahayn” ayuu yidhi Waraabe.

Guddoomiyaha ayaa qofkasta oo reer Somaliland ah ugu baaqay in uu noqdo booliis nabada ilaaliya “Qofkasta oo reer Somaliland ah waxa laga rabaa Khamiista in uu noqdo booliis nabadgalyada ilaaliya, qof kastowba qofka ku ag maraya ilaali”.

Waxa uu sheegay in kulan kale ay berri 9:00 AM la yeelan doonaan wasiirka arrimaha guddaha iyo saraakiisha booliiska si loo dajiyo nidaamka nabadgalyada loo sugi doono maalinta mudaharaadka.