Somaliland: Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Kulan Ka Dalbaday Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan la yeeshay Masuuliyiin ka socday Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCUD iyo WADANI, iyagoo ay wasiirka soo gaadhsiiyeen Qoraal ay Mudaharaad ku dalbanayaan.

Wasiirka, ayaa waxaa kulanka wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdirashiid Xirsi Cali iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Labada Xisbi Mucaaradka, ayaa u soo gudbiyay Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland, qoraal ay ku  dalbanayaan Mudaharaad, iyadoo uu Wasiirka Arrimaha Gudahu ka gudoomey Warqada ka timi Xisbiyada Mucaaradka ah.

Wasiirka, ayaa u sheegay masuuliyiinta ka socdey labada xisbi in ay fariin ku celinayaan Gudoomiyayaasha Labada Xisbi Mucaarad, taasoo ah kulan uu kala yeelan doono dalabkooda ah Mudaharaadka, taasoo xeerku dhigayo in laga wadahadlo Arrimaha Mudaharaadka.

Sidoo kale, Wasiirka, ayaa u sheegay masuuliyiinta ka socday Xisbiyada Mucaaradka ah, in uu diyaar u yahay meelkasta oo ay jecel yihiin in kulanku ka dhaco, islamarkaana hadii ay Gudoomiyayaasha Xisbiyadu ay ka cudur daartaan ay yimaadaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Masuuliyiinta ka socdey labada Xisbi Mucaarad, ayaa iyana dhinacooda balan qaaday in ay fariintaa u geynayaan gudoomiyayaashooda.