Puntland oo soo bandhigtay Rag Itoobiyaan ah oo ka tirsanaa Daacish

Boosaaso (Aftahannews)- Maamul goboleedka Puntland, ayaa magaalada Boosaaso ku soo bandhigay afar nin oo ka soo jeeda Oromada dalka Itoobiya, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen shabakabad ka tirsan Daacish.

Wareysi laga qaaday raggan, waxay ku sheegeen in been loo sheegay oo lagu khiyaamay in la geynayo dalka dibaddiisa. Kadibna loo geeyay Daacish si ay uga mid noqdaan ururkaas.

Waxay sheegeen in magacyada laga beddelay, loona bixiyay magacyo gaar ah oo Daacish u bixiso dagaalamayaasha cusub ee ku soo biira.

Qaar kamid ah waxay sheegeen in loo ballanqaaday in la geynayo dalka Sacuudiga ayna helayaan waxbarashada iyo shaqo. Waxay tilmaameen in xilli habeen ah laga saaray magaalada Boosaaso, iyagoo muddo afar cisho u lugaynayay halka uu safarkooda ka billaabmayay.

Balse, ballanqaadkooda, ayaa ku soo dhamaaday in la geeyo buuraha Calmiskaad oo ay ku jiraan dagaalamayaasha Daacish, halkaas oo ay kula kulmeen 40 xubnood oo ka tirsan Daacish.

Ma sheegin inay ka qeyb qaateen dagaallo ama howlgallo. Waxayse sheegeen inay markii dambe ka soo baxsadeen oo isku soo dhiibeen ciidamada Puntland, kuwaas oo haatan gacanta ku haya.

Puntland waxay hore u sheegtay inay raggan Daacish hubka uga soo qaadi jireen deegaannada ku teedsan buurta. Waxay ciidamadu sheegeen inay ku ogaadeen dabagal lagu sameeyay raggan.