Taliye Dabagale oo soo Bandhigay Falal uu ku kacay Guddoomiye Xirsi

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa waxaa uu soo faqay taariikhda madow ee Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Taliye Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo maanta shir jaa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale soo bandhigay falal uu xilliyo hore ku kacay Guddoomiye Xirsi xilligii uu ahaa Wasiirka Madaxtooyada ee Xukuumaddii Axmed Siilaanyo.

Waxaa uu Taliyahu taxay waxyaabo uu sheegay in guddoomiye Xirsi sameeeyay xilliyo hore, isagoona ku eedeeyay in uu ahaa ninkii ugu horreeyay ee gabadh Maxkamad soo taaga, islamarkaana ahaa ninkii iska casilay Komishanka doorashooyinka si Doorashooyinkii wakhtigaasi u fashilmaan.