Shiinaha oo soo dhoweeyey Mowqifka Soomaaliya ee Xiisadda Taiwan

Muqdisho (Aftahannews)- Safaaradda dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa soo dhoweysay mowqifka ay ka qaadatay Soomaaliya xiisadda ka aloosan Taiwan.

Dowladda Shiinaha, ayaa qoraal ay soo saartay ku bogaadisay warka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in labadda ummadood ee Soomaalida iyo Shiinaha ay leeyihiin xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ah.

Warka qoraalka ee safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale lagu sheegay in xidhiidhka labadda dal uu yahay mid ku qotoma is xurmeyn, iyo iskaashi.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartey shalay bayaan, ay isku barbar taagtay dowladda Shiinaha, taasoo ay ku sheegtay iney taageersan tahay midnimada dhulka Shiinaha.