Somaliland: Mucaaradka oo Mudeeyay xilliga ay Bannaan-baxayaan

Shirkii Isbaaheysiga Xisbiyada Mucaaradka

Hargeysa (Aftahannews)- Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID oo goordhawayd warbaahinta la hadlay, ayaa shaaciyay goorta ay Bannaan-baxayaan, iyagoona mar kale xukuumadda u gudbiyay waraaq ay ku ogaysiinayaan in ay dib u bilaabayaan mudaharaadadii.

Mucaaradka, ayaa sheegay in ay bilaabayaan mudaharaado ay ugu magacdareen “badbaadada Somaliland”, oo ay kaga soo horjeedaan in doorashada madaxtooyada ee qorshaysan 13 November ay dib u dhacdo.

Mucaaradka, ayaa sheegay in bannaanbaxyadu ay jawaab u yihiin doonista shacabka Somaliland, oo ay sheegeen in ay rajaynayaan in doorasho qabsoonto iyo in xukuumadda Somaliland lagu soo dabaalo nidaamkii doorashada, waxa ay sheegeen in doonista shacabku tahay awooda ugu saraysa ee dal kasta oo dimuquraadi ah.