Xukumadda Somaliland oo u jawaabtay Maamulka Goboleedka Punttland

WASIIRKA WARFAAFINTA SOMALILAND SALEEBAAN YUUSUF ALI KOORE 2020

Hargeysa Aftahannews)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Saleebaan Yusuf Cali Koore oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa waxaa uu jawaab kulul ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Wasiir Koore, ayaa sidoo kale ka hadlay Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Maamulka Gobolka Sool ee gaadhay magaalada Boocaame, isagoona bogaadiyay maamulka gobolka Sool iyo ciidamada Qaranka Somaliland.

Sidoo kale, Wasiirka warfaafinta Somaliland, ayaa sheegay in maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ay kala garan waayeen soo dhawayntii jiibta iyo jaanta iyo xabbada.

Geesta kale, Wasiirka, ayaa sheegay in Dowladda Somaliland aanay marnaba xuduud kale iyo diyaar u ahayn inay dowlad kale faro galin ku samayso, islamarkaana ay dowlada Somaliland ku qasban tahay meel kasta oo shacabkeedu ugu yeedhaan inay tagto.