Bilowga Horyaal Premier League Iyo Liverpool Oo Laga Horistaagay Jidka Guusha Loo Maro

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa barbarro iyo qaab ciyaareed aad u liita  ku bilaabatay xilli ciyaareedka 2022-23 ee horyaalka Premier League, waxaanay dhibic dirqi ah kasoo tuugtay kooxda heerka labaad kasoo dallacday ee Fulham oo ay marti ugu ahayd Craven Cottage.

Liverpool oo kulankan ku weyday Thiago Alcantara oo ka dhaawacmay ayaa waxa qaybtii hore goolkaga nixiyey weeraryahanka reer Serbia ee Aleksandar Mitrovic oo madax ku dhamaystiray kubbad uu ka dul-kacay Alexandere-Arnold, halka qaybtii labaadna uu gool u beddelay rikoodhe uu ku galay Virgil van Dijk oo lugta u dhigay markii uu kubbad la galay xerada ganaaxa.

Qaybtii hore oo Liverpool ay kala daadsanayd ayaa waxayla nasatay iyadoo Fulham ay heshay gool, sidoo kalaena ay u qalmaysay in ay ugu yaraan laba gool oo kale la timaaddo.Hase yeeshee Darwin Nunez oo beddel kusoo galay beddel kusoo galay ciyaarta ayaa u keenay goolka barbarraha daqiiqaddii 64aad, kaddib markii uu cidhib ku dhamaystiray kubbad  uu dhinaca midig ka keenay Mohamed Salah.

Fulham oo ay ciyaarteedu isku xidhnayd, isla markaana khadka dhexe ka qabsatay Liverpool ayaa keensatay gool labaad oo rikoodhe ahaa oo uu u dhaliyey Aleksandar Mitrovic daqiiqaddii 72aad, hase yeeshee Mohamed Salah ayaa sagaal daqiiqadood kaddib ka daba yimid oo keenay goolka Liverpool u badbaadiyey dhibicda madiga ah ee ay kulankooda koowaad ee xilli ciyaareedka ka heleen.

Fulham ayaa ciyaarta ku bilaabatay si aad u wanaagsan oo la moodayay in tababare Marco Silva uu fahamsanaa in khadka dhexe oo culayska la saaro ay jabin doonto Liverpool, waxaana bilowgiiba ay diideen in kubbadaha Liverpool ee khadka dhexe ay badhtamaha garoonka dhaafaan.

Andreas Pereira ayaa ayaa dhawr kubbadood oo halis ahaa ka sameeyey khadka dhexe ee Fulham 20kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta, waxaana baas qurux badan oo uu u dhigay Palhinha uu u dhowaaday inuu shabaqa ku hubsado, balse waxa badbaadiyey Joel Matip.

Daqiiqaddii 32aad ayay Fulham hoggaanka ciyaarta ku qabatay kubbad uu Kebano kasoo jabiyey dhinaca midig oo uu madax awood badan ku qabtay Mitrovic oo ka dul-kacay Alexander-Arnold.

Liverpool ayaa kaga jawaabtay gool uu dhaliyey Luis Diaz, hase yeeshee waa laga diiday maadaama ay ku jireen Offside.

Xiddiga reer Colombia ee Luis Diaz ayaa birta garaacay ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, waxaanay qaybta hore kusoo dhamaatay 1-0 ay hoggaanka la nasatay kooxda garoonkeeda joogtay ee Fulham.