Madaxweynaha Soomaaliya oo Booqasho ku tagaya Dalka Uganda

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in safarkiisii ugu horeeyay uu ku tago dalka Uganda tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii May ee sanadkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa lagu wadaa inuu Isniinta todobaadkan booqasho shaqo oo laba maalmood ah ku tago dalka Uganda, si uu wadahadal ula yeesho dhiggiisa Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne, ayaa shir guddoomin doona shir-madaxeedka maalgashiga iyo ganacsiga oo si wadajir ah u socon doona inta u dhexeysa 9-ka ilaa 10-ka bishan Augus.

Shirkan, ayaa hal-ku-dhig looga dhigay horumarinta iskaashiga Uganda iyo Soomaaliya ee dhinacyada maalgashiga iyo dalxiiska.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in shir-madaxeedkani uu siin doono madal ay ku midaysan yihiin ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo qaybaha kale ee ay khusayso, sida wasaaraddaha dawladda si ay si xor ah isu dhaafsadaan fikrado ku saabsan ganacsiga

Safiirka Uganda u fadhiya Soomaaliya Prof. Sam Turya-Muhika oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kampala, ayaa carrabka ku adkeeyay in shirka maalgashiga iyo ganacsiga ee Uganda iyo Soomaaliya uu xoojin doono iskaashiga laba geesoodka ah ee ganacsiga iyo maalgashiga labada dal.

“Uganda oo ahayd dalkii ugu horreeyay ee ciidamo u soo daadgureeya Soomaaliya, welina ah dalka hoggaaminaya ciidamada ku deeqay ATMIS-ka, ayaa hadda si firfircoon uga qayb-qaadanaysa dibloomaasiyad ganacsi si ay uga faa’iideysato fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya iyo Uganda,” ayuu yidhi Safiirka.

Waxaa la sheegay in inta uu socdo shir madaxeedka, daneeyayaasha ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ah ee Soomaaliya iyo Uganda ay yeelan doonaan doodo ganacsi oo furan iyo sidoo kale kulamo lagu ogaanayo fursadaha maalgashi ee labada dal.

Warbixinada, ayaa tilmaamaya in sanadkii 2020, Uganda ay Soomaaliya u dhoofisay badeecooyin qiimahoodu dhan yahay $676,000 halka Soomaaliya ay u dhoofisay Uganda badeecooyin qiimahoodu dhan yahay $75,700.