Xisbiyadda Mucaaridka oo Xukuumadda u Hanjabay iyo Xukuumadda oo u Jawaabtay

Hargeysa, (Aftahannews)-Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa ku hanjabay in ay iska celin doonaan xukuumada, iyaga madaxweynaha ku eedeeyay in uu ergo walba diiday.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka hadlay xaflad meher, ayaa sheegay in anay ogolaanayn wax aanu madaxweyne Biixi-ba ogolaan jirin.

“Ogolaan mayno waxaanu isba ogolaanin, Kulmiye ma jiree, ina Biixi ayaa jiree, ina Biixina waanu iska celinaynaa, dalkii wuu sheegtay” Guddoomiye Faysal ayaa sidaa yidhi.

Cirro ayaa dhankiisa sheegay in madaxweyne Biixi uu ergo walba, diiday balse ka mucaarad ahaan, ay tanaasul badan sameeyeen, sidaas darteedna anay jirin sabab iyaga looga codsado tudhaale,

“Reer Somaliland-now waxa aad anaga nagu riixaysaan oo aad leedihiin tudha bal noosheega”.

Mucaaradka Somaliland ayaa qorshaynaya mudaharaado ay kaga soo horjeedaan in doorashada madaxtooyadu dib u dhacdo, iyadoo xukuumaduna sheegtay in anay dhacayn mudaharaado anay ogolaan.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo xafiiskiisa warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay in sharcigu uu xalaaleeyay in muwaadinku mudaharaadi karo, lakiin ay tahay in xeerka nidaamka dad waynaha loo raaco.

“Dastuur keenu waxa uu sheegayaa in qofka muwaadinka ahi uu xaq u leeyahay in la doorto uu waxna doorto iyo in uu mudaharaado, in hadana qaabka mudaharaadka loo samaynayaa uu noqdo mid waafaqsan xeerka” ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Waxa uu sheegay in xeerku sheegayo in cidii mudaharaad qabanaysa ay 3 cisho kahor kasoo codsanayso wasaarada arrimaha gudaha, maamulka gobolka, isla markaana ay codsigooda ku xusayaan sababta mudaharaadka, tiradooda, kadibna loo fasaxayo oo booliisku ilaalinayo.