Ujeedka Wefdi ka socda Itoobiya oo Somaliland Yimid

Hargeysa (Aftahannews)- Wefdi culus oo ka socda ciidamadda dawladda federaalka Ethiopia ayaa maanta soo gaadhay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxaana weftigan saraakiisha Itoobiyaanka ah hoogaminaya Hoogaanka Wardoonka Ciidamada Heer Faderaal ee dalka Itoobiya General Burhanu kabadha, iyo sarakiil kale oo sare.

Madaarka Hargeysa waxa si heer sare ah wafdigan ugu soo dhaweeyay Abaandulaha Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale, Hooganka Hawlgelinta ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Cabdi Cabdilaahi Xasan Hooganka Xidhiidhka dibada ee ciidanka Qaranka Somaliland.

Wefdigan, ayaa hawlo shaqo Somaliland u soo gaadhay waxayna la kulmi doonan Taliyaha Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani.